Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo kulan la yeeshay guddoomiyaha Midowga Afrika...

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo kulan la yeeshay guddoomiyaha Midowga Afrika oo maanta soo gaaray Muqdisho

1179
0
SHARE

Raiisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la yeeshay guddoomiyaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat oo maanta Soo gaaray magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha oo markii uu kasoo dagay garoonka Muqdisho uu soo dhaweeyey Raiisul wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre, waxaana intaasi kadib ay ka wada hadleen arimo dhowr ah.

Ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyaha ayaa ka wada hadlay arimo ay kamid yihiin Ammaanka iyo Abaaraha xiligan dalka kajira.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in la dar dar galiyo howlgalada wadajirka ah oo ay wadaan ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM si meesha looga saaro maleeshiyada Al-shabaab.

LEAVE A REPLY