Kulan Looga Hadlayay Dowrka Haweenka Ee Siyaasadda Oo Muqdisho Lagu Qabtay+Sawirro

Kulan Looga Hadlayay Dowrka Haweenka Ee Siyaasadda Oo Muqdisho Lagu Qabtay+Sawirro

1202
0
SHARE

Muqdisho(SONNA):-Kulan Casho ah  oo looga arrinsanahay dowrka haweenka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin Siyaasadda iyo mideynta bulshada Soomaaliyeed ayaa  xalay lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa ka qeybgalay xubno matalayay haweenka baarlamaanka ee labada Aqal, guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Batuulo Sh Axmed Gabale, xubno sare oo ka tirsan gudigii doorashooyinka qaran iyo haweenka aqoonyahanka oo ka kala yimid degmooyinka gobalka Banaadir.

Drs Shamso Cumar Macalin oo kulanka Daahfurtay ayaa sheegtay in ujeedka isu imaatinkoodu yahay sidii loo xoojin lahaa kalsoonida haweenka Soomaaliyeed ayna kaalin uga qaadan lahaayeen barnaamijda siyaasadda iyo hormarinta adeegyada lagamamaarmaanka u ah qeybaha bulshada.

Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed Marwo Batuulo Sh Axmed Gaballe ayaa kulanka ka sheegtay in markii ugu horreysay taariikhda 81 xubnood oo haween ah ay kamid noqdaan barlamaanka Soomaaliyeed.

Xildhibaan Mina Xasan Shibis oo kamid ah xubnaha Golaha Shacabka ayaa xustay in ahmiyadda Cashada Caawa ay tahay muujinta midnimada Haweenka islamarkaana ay horseed u noqdaan umadaha kale.

Sidoo kale Xildhibaan Sahra Cumar Maalin ayaa dhinaceeda ku boorisay Haweenka in ay muujiyaan isku duubni, lana xoojiyo kulamada lagu xoojinayo hormarinta dowrka haweenka ee dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii waxaa kulanka ka hadashay Xildhibaan Samsam Daahir Maxamuud oo kamid ah xubnaha Aqalka Sare, iyadoo muujisay ahmiyadda haweenka ay u leedahay in ay wax isku Ogolaadaan si dowr muhiim ah aan ugu yeeshaan Siyaasadda Dalka.

kulanka ayaa dhinaca kale lagu muujiyay walaaca ku aaddan Xaaladda macluusha ah ee ku dhufatay dalka Soomaaliya, iyagoo isugu dardaarmay in la isku gurmado lana muujiyo naxariis iyo iscaawimaad.

LEAVE A REPLY