FALLO:-Gargaar Alle ayaa na deeqa, ee hala Roob doono

FALLO:-Gargaar Alle ayaa na deeqa, ee hala Roob doono

867
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Inta aan gudagalin qormadaan aan tusaale u soo qaato xaaladda abaaartu heerka ay marayso Gabadhaan lagu magacaabo Maymuun Nuur Axmed, waa sagaal jir, hooyadeed bishii Jannaayo ayay ku dhimatay Waajid, Aabeheedna dhowr toddobaad ka dib ayuu ku geeryooday Shil gaari. Ari Kontomeeyo ah oo ay lahaayeen abaarta ayaa galaafatay , seddex toddobaad ayay u soo lugeynaysay Degmada Waajid illaa Magaalada Muqdisho, iyadoo Xambaarsan Walaalkeed oo 2 jir ah, gacantana ka haysa Walaasheed oo 4 jir ah, hadda waxay ku nooshahay xerada dadka soo barakacay ee Rajab oo ku taalla Muqdisho.

Xaaladda Abaarta ka jirta Soomaaliya ayaa ah mid sii baahaysa, waxaana lagu qiyaasay tirada Dadka ay saameeysay in ka badan 5 Malyan oo Ruux, kuwaasi oo ku kala sugan Gobolada Dalka oo markii hore ay xoolihii ka dhammaadeen, kadibna ay dadkii bilaabeen in ay u geeriyoodaan, waxaase u sii dheer Cudurro ka dhashay abaartaasi, iyadoo ay ku geeriyoodeen in ka badan 100 Ruux oo u badan Carruur.

Dr Cismaan Maxamuud Dufle oo ka hadlaayay Cudurada ay keento Abaartu, ayaa sheegay inay xaalad caafimaad darro ah oo baahsan ay ka dhalatay abaarta ka jirta dalka, isaga oo xusay in loo baahanyahay in gurmad dhan waliba ah la gaarsiiyo bulshada ay soo riteen xanuunada ka dhasha abaarta sida shubanbka iyo nafaqo darrada, dadwaynahana looga baahanyahay inay qaataan talooyinka dhaqaatiirta oo ay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara cudurada faafa.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo kormeer howleed ku tagay xarunta Isku Xirka Gurmadka Abaaraha u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayaa warbixinno ka dhageystay qaar ka mid ah Hey’addaha gacanta ku haya xog-uruurinta xaaladihii ugu dambeeyey ee Abaaraha ka jira dalka.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kala hadlay Hey’addaha Qaramada Midoobey in la mideeyo isla markaana la isku dheeli-tiro habka gar-gaarka loo gaarsiinayo deegaanada abaaruhu ka jiraan, lana wadaago macluumaadka ku saabsan meelaha ugu daran ee u baahan gar-gaarka deg-degga ah, gaar ahaan dawladda iyo Qaramada midoobey, maadaama ay jiraan dadaallo kale oo gurmad ah oo ay fidinayaan Guddiga Qaranka ee Gurmadka Abaaraha iyo hay’addo kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan gaar ah la qaatay Wakiilka Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating, waxayna isla soo qaadeen sidii Qaramada Midoobey ay gurmadku deg-deg ah uu u gaari lahaa goobaha ay sida daran u saameysay Abaarta.

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa isna shacabka ugu baaqay ALLE bari iyo Roob doon, wuxuuna sheegay in xaaladda abaarta ay la socdaan cudurro halis ah, isla markaana dadka ay bilaabeen in ay ka soo hayaamaan Gobollada ay xaaladahaasi ka taagan yihiin, waxa uu boggaadiyey Madaxwaynuhu dadaallada ay wadaan Ra’iisul-wasaaraha iyo Guddiga Qaranka Abaaraha Soomaaliya oo sameeyay isku dayo wanaagsan ilaa welina wada.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mid ah Culimada Soomaaliyeed, ayaa isna sheegay in dambiyada ka dhacay Soomaalida dhexdooda ay keeneen abaaraha, loona baahan yahay in laga Towbad keenno, si Khataraha ay abaartu ka midka tahay ALLE nooga Qaado.

Haddaba Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qaabtay Roob doon, waxaana laga tukuday Salaadda Roob-doonta, R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre, Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Gudoomiyaha Gobalka Banaadir, Saraakiil iyo Masuuliyiin kale oo dowladda ka tirsan iyo Dadweyne farabadan ayaa Salaada Roob doon ah kula dukaday Banaanka hore ee Masaajidka Isbahaysiga ee Magaalada Muqdiaho.

Sidoo kale Dukashada Salaada waxaa ka soo qaybgalay Qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn sida Sheekh Bashiir Axmed Salaad Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Sheekh Cali Dheere iyo Mashaa’iq kale oo badan, Ardayda Dugsiyada Qur’aanka ayaa la’arkayay iyagoo Madaxa ku sita Looxdii ay Quraanka ku dhiganayeen Allana ka Baryayay inuu u
naxariisto dadka Soomaaliyeed oo uu siiyo Raxmadiisa, kana dul qaado Abaaraha ka jira Dalka.

Markii Salaada Roob doonka la dukaday ayaa waxaa Duceeyay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwaasi oo sheegay sidoo kale in loo
baahanyahay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay Alle u toobad keenaan, iyadoo Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Owqaafta dowladda Soomaaliya C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi uu dhankiisa sheegay in Abaartaan ay ku timid danbi ay galeen dadka Soomaaliyeed, haatana looga bixi karo oo kaliyain lees Cafiyo.

R/wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo isna gaba-gabadii lahadlay dadka ka soo qaybgalay Salaada Roob doonka ayaa tilmaamay in
Abaaraha ka jira dalka ay la xariiraan Musuq maasuqa iyo Qabyaalada Baahsan ee ka jira dalka iyo dadka Soomaaliyeed dhexdooda, isagoo yiri:-“Waxaan idiin balan qaadaynaa aniga iyo Madaxweynahaba inaan la
dagaalami doono Musuq maasuqa iyo Qabyaalada, si looga gudbo
dhibaatooyinka hada jira.”

Haddaba sida ay sheegeen Culumada Soomaaliyeed gargaar biniaadannimo oo loo fidiyo Dadka ay abaartu ku habsatay, waxaa ka kheyr roon gargaarka Alle, kaasi ayaana na wada deeqaya, sidaasi awgeed ha la badiyo Ducada iyo Roob doonta.

W.Q:- C/llahi Ruush

LEAVE A REPLY