Salaad Roob doon ah oo Maanta laga tukanaayo Muqdisho iyo Goboladda Dalka.

Salaad Roob doon ah oo Maanta laga tukanaayo Muqdisho iyo Goboladda Dalka.

743
0
SHARE

Muqdisho-(SONNA)- Salaad roob doon ah oo Alle looga baryaayo in uu abaaraha ka dulqaado  Goboladda dalka Soomaaliya ayaa saakay la filayaa in laga oogo Magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah Gobolada Dalka.

Salaadaan oo Alle looga baryayo in uu  dadka Soomaaliyeed ee xaaladda adag ku jira uu ka dulqaado abaaraha iyo cudurada,waxaana ku baaqay Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llahi Maxamed Farmaajo asaga oo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay Alle bari Sameeyaan isla markaana ay dukadaan Salaaad roob doon ah.

Qabanqaabada oogidda Salaada roobdoonka ayaa saakay ka socoto magaalooyin badan oo ka tirsan dalka oo ay ka mid tahay Magaalo madaxda Soomaaliya ee muqdisho.

LEAVE A REPLY