Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee Sweden oo taageeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali...

Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee Sweden oo taageeray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre 

580
0
SHARE

Kulan ay soo qaban qaabiyeen Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee wadanka Sweden ayaa waxaa uu ku saabsanaa taageeridda Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Mudane Xasan Cali Kheyre, iyagoo Xildhibaannada golaha shacabka uga mahadceliyay sida codka kalsoonida ah u siiyeen Mudane Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha dalka

Kulanka ayaa dadkii ka qeybgalay waxa ay sheegeen inay soo dhaweynayaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka, is lamarkaana ay diyaar u yihiin sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dib u dhiska dowladda iyo u gurmashada dadka ay abaartu ku saameysay qeybo ka mid ah gobollada dalka.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee xamar iyo Xamardaye ee wadanka Sweden Nasro Xasan  Cali oo la hadashay Radio Muqdisho ayaa sheegtay in ujeedka kulanka uu ahaa taageeridda dowladda Soomaaliya, isla markaana ay bogaadinayaan Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka oo ay Alle uga bariday in uu gacan ku siiyo gudashada waajibaadka loo igmaday.

Nasro Xasan  Cali ayaa tilmaamtay inay ka qeyb qaadanayaan u gurmashada dadka walaalahood ee ay abaartu ku heysato qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo shacabka ka codsaday inay dhexdooda isu gurmadaan oo ay walaalood wax u qabtaan intii ay awoodaan.

Jaaliyadda Xamar iyo Xamardaye ee wadanka Sweden ayaa dhawaan kaalmo lacageed oo gaareysa toban milyan oo shilin Soomaali ah ku wareejiysay guddiga gurmadka abaaraha u qaabilsan degmada Balcad, iyagoo horey Muqdisho uga hirgeliyay iskuul ardayda agoonta ah wax lagu baro.

 

LEAVE A REPLY