Madaxda Warbaahinta 30 Dal Oo Afrikaan Oo Shir Uu Uga Furmay Qaahir+Sawirro

Madaxda Warbaahinta 30 Dal Oo Afrikaan Oo Shir Uu Uga Furmay Qaahir+Sawirro

510
0
SHARE

Qaahira,(SONNA):-Shirkaan oo ay soo qabanqaabisay Wasàradda arrimaha dibadda ee Masar,waxaan ayaa waxaa ka qeybgalay madax kala mataleysa Warbaahinta illaa 30 dal, waxa looga hadlayaa shirka
sida ay warbaahinta afrika ugu jihaynlahayd Bulshada afrika in ay iska
horqaadaan caqabadaha haysta sida, Musuqmaasuqa, Xagjirnimada, Abaaraha iyo Gaajada.

Sidoo kale waxaa shirka diiradda lagu saarayaa sidii Saxaafaddu u dhiirrigalin laheyd dalalka caalamka ee daneynaya in ay maalgashadaan wadamada ku yaalla qaaradda Afrika, lagana faa’ideysto qeyraadka ku yiro.

Ergada ka qeybgaleysa Shirka ayaa maanta booqashu ku tagay Xarunta Baarlamaanka Dalka Masar, halkaas oo ay kula kulmeen Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa, sidoo kale ka qeybgalayaasha waxay galinkii dambe ee maanta la kulmeen ganacsatada ugu waaweyn dalka Masar oo ay kala doodeen sida loo muujinkaro Qeyraadka Afrika.

LEAVE A REPLY