Daawo: Xaaska mid kamid ah horjoogayaasha Ajaanibta ah ee Al-shabaab oo Muqdisho...

Daawo: Xaaska mid kamid ah horjoogayaasha Ajaanibta ah ee Al-shabaab oo Muqdisho lagu qabtay

1632
0
SHARE

Sirdoonka Soomaaliya ayaa Soo qabtay xaaska mid kamid ah Horjoogayasha Ajaanibta Al-shabab, kana mid ah kooxda qaabilsan marinhabaabinta Ddhallinyarada Soomaaliyeed.

Leyla Cumar Baaruud waa xaaska Horjeege Ajinabi ah oo dhalashadiisu tahay Ethiopian, ciidamada sirdoonka Soomaaliya ayaa ku raadjoogay muddo 5 bil ah oo ay ku dhuumaaleysaneysay qeyba kamid ah degmooyinka gobalka Banaadir.

Leyla ayaa kooxda xagjirka ah ee al-shabaab u qaabilsaneyd tashkiilinta iyo marin habaabinta Carruurta, iyadoo malcamad xifdinta Qur’aanka Kariimka ah lagu barto ku laheyd gobalka Jubbada Hoose.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa waabarigii maanta Leyla ku qabtay demgada Cabdicasiis xilli ay dooneysay in gurigeeda hortiisa ay gaari ka raacdo.

Laylo Cumar Baaruud oo ah hooyo labo caruur ah leh, waxeey u muuqaataa in ay ku maashoowday marin habaabinta kooxda Shabaab oo sida ay sheegtay ku tashkiilinayay fikradahooda muddo todobo sano ah, taas oo dhaxalsiisay in ay ku fogaato aragtida qalafsan ee kooxda sida ka muuqata waraysiga ay bixisayna waxeey ku haminaysaa in ay disho naftayda isla markaana marato dad badan oo muslimiin ah, waxeeyna tusaale u tahay Laylo heerka ay Shabaab garsiiyeen dadbadan oo ay uga faaiidaysteen aqoonyarida miineed ee haysatay, ilaa ay u badaleen kuwo xanbaarsan aragti khilaafsan shareecada Islaamka iyagoo isla saxsan waliba.

Haweeneydan ayaa si indho la’aan ah ugu jirtay safar ay ku baadigoobeysay seygeeda oo ah nin Ajnabi ah oo loogu sheegay degmada Jilib, sida ka muuqata hadalkeeda.

Marin habaabinta Leyla waxaad ka dheehaneysaa fikirka ay ka aaminsan tahay qaraxyada naftii hallignimada ee ay Al-shabaab ku dhibaateeyaan shacabka.

LEAVE A REPLY