Guuguulihii Gu’a u ooyaayay (FAALLO)

Guuguulihii Gu’a u ooyaayay (FAALLO)

766
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Saamaynta abaarta ka jirta Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa ah mid aad u daran, waxayna ka sii daran doontaa tii 2012-kii ka dhacday Dalka, taasoo galaafatay Dad iyo duunyo fara badan iyo barakac aad u ballaaran, haddaan ku hormaro tan ka jira Deeganada Gobolka Galgaduud ee Bartamaha Soomaaliya ayaa marba marka ka dambeeysa sii badanaysa, waxaana kordhaya dhibaatooyinka nololeed ee ka dhalanaya.

Deegaanda, Docoley, Dhagruur, Kaxandho, Qofsaar iyo Laasa-barin oo hoos yimaada degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa bulshada ku nool waxaa ka soo yeeraya cabasho lixaad leh oo la xiriirta dhibaatooyinka ka dhashay abaarta.

Nacfigii xoolaha laga heli jiray oo meesha ka baxay ayaa dadka ku keentay xaalad nafaqo dari, waxaana jira dad xoolihii ka dhamaadeen oo tuulooyinka iyo Magaalooyinka soo galay sida uu Warbaahinta u sheegay Xasan Cusmaan Ciid oo ka mid ah xoola dhaqatada degan deegaanka Laasa-barin oo Cadaado hoos yimaada, waxa uu sheegay in ay hadda u cabsi qabaan nolosha dadka haddii aan la helin gurmad beni’aadannimo oo deg deg ah, waxaana meelaha qaar ka jira cuduro ay ka mid yihiin shuban biyoodka iyo Jadeecada.

Inta badan Gobolada dalka ayaan helin xilli roobaadka Deyrta, balse deegaanada Gobolka Galgaduud ka tirsan ayaa iyaga waxaa u sii dheer inaysan sidoo kale helin Gugii ka sii horreeyay.

Dhinaca kale waxa ay abaartu si ba’an u taabatay Gobolada Koonfureed ee Dalka, waxayna ka sheekeeyneysaa wixii ay kala kulantay abaartaasi, magaceedu waa Khadiijo Maxamed waa qof waayeel ah oo ka soo barakacday Degmada Diinsoor ee Gobolka Xudur, hadda waxay ka mid tahay dad badan oo ka soo hayaamay deegaannada ay ka jiraan Abaaraha oo soo gaaray Magaalada Muqdisho, waxayna ku jirtaa xero ku taala Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho.

Khadiijo waxay si dareen leh ay kaga sheekaysay saamaynta ay ku yeelatay Abaaraha ka jira Gobalada Soomaaliya iyo Caruur ay heeysay oo Baahi u dhintay, iyadoo u jeedda oo aanan waxba u qaban Karin,“Waxaan heestay Afar Caruur ah oo ay dhashay Gabar aan anigu dhalay, Saddex ka mid ah waxay u dhinteen Baahi, hadda hal wiil oo ii soo haray ayaan Muqdisho ku keenay Lacag aan dad ka soo Tuugsaday.” Ayay tiri Khadiijo Maxamed.

Hooyadaan oo ay ka muuqato diifta ay ku reebtay Abaarta ayaa haatan waxay ku jirtaa Xero ku taala degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho, waxaana sidoo kale ay dareemaysaa Xanuun dhanka caloosha ah sida ay sheegtay, balse Marka laga soo tago dadkaan fursada u helay inay soo gaaraan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka waxaa jira dad kale oo Abaaruhu aad u saameeyeen oo aanan heesan xitaa wax ay ku soo gaaraan Magaalooyinka waaweyn, kuwaasi oo u baahan gar gaar deg deg ah.

Maamulka Degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool ayaa ka hadlay xaalada Deegaanada oo ay wali gacanta ku hayaan Xarakada Al-Shabaab, waxayna sheegeen in dad badan ay ku soo barakeen degmada ay soo gaareen Magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool , halkaasina ay ku haysato dhibaatooyin adag oo dhanka Nolasha ah, waxayna xuseen in 800 boqol oo qoys ay hadda ku sugan yihiin Xudur , islamarkaana Al-Shabaab ay dhibaato ku haayaan dadkii ku haray degmada Tayeeglow.

Gobolada Waqooyi ee Dalka ayaa sidoo kale ay ka jirtaa abaartu, waana mid ku baahsan dhammaan Dalka iyo Wadamada kale ee deriuska la ah, waxaana ka sheekeeyay sida ay u dareemeen abaarta Dalka ku habsatay Nin Odey ay oo lagu magacaabo Jaamac Ibraahim Cabdi oo Xoolo dhaqato ah, wuxuuna Warbaahinta u sheegay inuu lahaa 150 Neef oo Geel ah, kuwaasi oo uu Caanahooda uu ka iibsan jiray Magaalooyinka, balse uu haatan ka yahay fara maran ceyr ah, islmarkaana uu u soo hayaamay Magaalada si uu naftiisa iyo tan Carruurtiisa u maareeyo.

Qaramada Midoobay aya dhawaan shaacisay yabooh lacageed, balse wax ilaa iyo hadda soo gaaray goobaha ay abaartu ka dhacday ma jirto, sida ay sheegayaan Dadka u dhuun daloola arrimahasi, waxayna ku tilmaamaan He’yadaha Caalamka kuwa aan si wanaagsan uga jawaabin kaalmada biniaadannimo waqtiga loo baagan yahay, waana u caado arrintaasi, waxayna keenaan mar xeero iyo fandhaal kala dhacaan.

Qaramada Midoobay waxay dhawaan shaacisay in 3 Milyan oo Ruux oo u badan Caruur iyo Haween ay saameeysay abaarta, waxaana warbixinta lagu sheegay in Ceelashii biyaha ay gureen, Xoolihiina ay dhammaadeen, iyadoo waliba meelaha qaar laga soo sheegayo dhimasho, waxayna xustay in loo baahan yahay kaalmo lahgu samata bixiyo Dadkaasi, waliba waxay ka digtay Qaramada Midoobay in ka sii daran doonto tii ka dhacday Dalka 2012-kii, loona baahan yahay in cashar laga barto, taasoo micmaheedu yahay in hadda wax laga qabto inta aysan faraha ka bixin xaaladda.

Dawladda Soomaaliya waxay dadaal dheer u gashay inay door ka qaadato samata bixinta Dadkeeda abaaroobay, waxayna meelaha qaar gaarsiisay Raashin, Biyo iyo Daawooyin, dadaal uu sameeyay Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Kuwait ahna Hormuudka Danjireyaasha Carbeed Mudane Cabdulqaadir Amiin Sheikh ayaa soo gaarsiiyay Dalka Dayuuraddii ugu horeysay ee Gargaar Raashin iyo Daawooyin ah u sida dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu ku dhufteen, iyada oo Dayuuradda koowaad ay gaartay Gobolada Waqooyi ee dalkeena ee ay baaxadda Abaartu ku habsatay, iyada oo la filayo in maalmaha soo socdaana ay jiri doonaan diyaarado kale oo ku wajahan Gobolada Koofureed ee Dalka.

Haddab waxaa looga baahan yahay Xukuumadda iyo shacabkaba inay u gurmadaan Dadkaasi abaarto haysato, waxaana soo xasuustay Gabay uu Iismaaciil Mire ka tiriyay Abaar markaasi ku dhufatay Deegaanada Soomaalidu degto, wuxuuna ku yiri gabeygiisa:-Guuguulayohoow haddad Gu’a u ooyayso abaar geed ma reebtiyo waxaa dhacay—- Gaagaabso hadalka yaan gaar lagaa qabane.

W.Q:- C/lahi Ruush

LEAVE A REPLY