Arday dugsiilay ah oo fursad mar la’arag ah heshay “Sawiro”

Arday dugsiilay ah oo fursad mar la’arag ah heshay “Sawiro”

4154
0
SHARE
Carruur barata Quranka oo Xeebta Loodo ku sugan

Muqdisho(SONNA)-Inta badan ardada da’da yar ee barata Quraanka Kariimka waxa ay aad u jecel yihiin fasaxa la siiyo, waxaase jirta qaar kamida Macalimiinta dugsiyada dhiga in ardada ay aad uga argagixiyaan kuwaas oo haddii ay arkeen xilliga fasaxa xitaa u goodiya ama canaan huwiya.

Macalimiinta mar kasta waxa ay mudan yihiin ixtiraam laakiin mararka qaar bay kasbadaan in ardada meeshii ay salaan iyo soo dhaweyn ay uga filayeen in ay uga jawaabaan dhuumasha(is qarin, war macalinka, aa …wuu gudbay IWM).

Isa soo dhawaashaha Macalinka iyo ardayga waa mid uu abuuro bar-baariyaha oo macalinka madaama uu yahay waalidka labaad, isaga ayaa soo dhaweysan kari, iska fogayn kara.

Sida sawirka idinka muuqda, waa arday aad u da’yar oo joogta xeebta Liida ee magaalada Muqdisho, waxaa la socda qaar kamida Macalimiinta dugsiga ay dhigtaan.

Carruurtan waxa ay dhigtaan dugsi la iigu sheegay magaciisa ‘Sayid Shariif’ oo ku yaala degmada Xamar-weyne ee gobalka Benaadir, da’dooda waxa ay u dhaxaysa 6 ilaa 13-sanno jir, waxa loo sidaa wax ay cunaan, cabaan iyo kubbada cagta oo ay ku ciyaaraan.

20-tanle oo biya moyasaxa ah ku jira, digsiyo laba ah oo waaweyn oo ku jira wixii lagu cuni lahaa baco rooti ah oo ay macalimiinta wadaan, waana xili hore oo subax ah bartamihii bishii April, 2016.

Carruurta waxaa iigaga muuqatay farxad  badan oo aan qoraal kaliya ku cabiri Karin.

Subaxaas iyo subaxyo dhawr ah ayaan xili hore waxaan Xeebta ku wehliyey qaar kamida saaxiibadayda oo ila jeclaaday in aan subixii la soo aalmindeesto.

Si gaara ayey ii soo jiidatay ardada da’da yar ee wax la barta waxa uga khayr roon baranaya sida moraalkooda loo dhisayo, loogana farxinayo, isla madashaas ayaan ku bogaadiyey macalimiintii la socatay in ay joogteeyaan bar-baarinta dugsiilayda.

Bari samaadkii baan sheeko ku hayaa in ardada dugsiysada hoose, dhexe iyo sare ee dalkeena loo kaxayn jiray dalxiis iyo deegaan barasho safar dheer loo galayo mararka qaar,balse tan dugsiilaydaan waxa ay igu ahayd mid igu cusub oo lagu farxo.

Gebo-gebo

Anigoo og in macalimiinta dugsiyada in ay hayaan hawl muhiim oo aad u adag, aas-aaska dhismaha akhlaaqda ubadka, haddana waxaa muhiim ah in waalidiinta, carruurta iyo macaliminta ay si dhaw u wadashaqeeyaan, isu fahmaan, carruurtana wax la baro, loona abuurin jawi ay ku nacaan quraanka, dugsiga iyo macalinka taasi oo ah caqabada jira oo xalkooda weli la raadin.

W/Q: Maxamed Cisman Cabdi “Black Cobra”

LEAVE A REPLY