Akhriso qormo murugo leh: Maxaa loo dilay?

Akhriso qormo murugo leh: Maxaa loo dilay?

1015
0
SHARE

Subaxnimadii Arbacada ee ku beegnayd 25-01-2017, Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Weerar Argagixiso oo loo adeegsaday Qaraxyo baabuur iyo Weerar toos ah kaas oo ay Al-Shabaab sheegteen in ay ku layaayeen wax ay ku tilmaameen Murtadiin oo ay ula jeedaan dad ka baxay Islaamka, waxaa laga yaabaa in Dadbadani ay marka ay maqlaan Warkaas ufasirtaan in ay yihiin Xubno ka tirsan Dawladda Soomaaliya oo Al-Shabaab iyo Kooxaha lafikirka ah ay gaalaysiiyaan, iyagoo ka been sheegaya Shareecada Islaamka, hase ahaatee waxaa jirta xaqiiqo aan lawarin oo ka sal balaaran intaas.

Yay ahaayeen Dadkii ku dhintay Weerarkaas?

Goobtaas oo ahayd meel ay ku badantahay saxmadda Dadwaynaha maadaama ay tahay Waddo mashquul badan oo ay ka agdhawyihiin Goobo ganacsi, Xaafado ladaganyahay iyo socoto badan oo isticmaalayay Waddada, waxa ay keentay in uu ka dhasho Qasaare baahsan kaas oo u badan Shacabkii ku sugnaa nawaaxiga halka laweeraray, kuwaas oo ay u muuqato in ay Shabaab udileen si ku talo gal ah, maadaama ay ogaayeen in halka ay weerarayaan ay tahay goob ay ku badanyihiin shacab, isla markaana nuuca weerarkooda oo ahaa mid loogu talo galay in uu gaysto Qasaare baahsan uu galaafandoono Nolosha iyo hantida Shacab badan oo aan wax lug ah ku lahayn Siyaasadda.

Inkasta oo aanay ii suurta galin in aan helo Xogta Qasaaraha oo dhamaystiran, hadana waxaa noo suurtagashay in aan helno qaar ka mid ah Dadkii ku nafwaayay Weerarkaas, kuwaas oo ah tusaalaha waxyeelada ay Shacabka ugaystaan Weerarada Argagixisada ee nuucaan ah.

Marxuum Cabdikariim Xasan Xayle.

Cabdikariim Xasan Xayle, waxa uu ahaa Wiil dhallinyaro ah oo dhawaan uun dhamaystay heerka koowaad ee Jaamacadda, waxa uu ka baxay Jaamacadda SIU ee Magaalada Muqdisho 03 September 2016, waxa uu waxbarashada Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ka bilaabay Iskuulka Hooyga Xamar, 2007-kii markii ay Muqdisho ka dhaceen Dagaalada ayaa reerkiisu uqaxeen Ceelasha Biyaha, wuxuuna isla Sanadkaas ku biiray Cabdikariim Iskuulka Macmuur oo uu ku dhamaystay Waxbarashada Dugsiga sare.

marxuum Cabdikariim, kan iga bixda

Marxuum Cabdikariim Xasan Xayle, wuxuu ahaa wiilka kaliya ee Qooyska Reer Xasan Xayle gacanta ku hayay oo ah Reer danyar ah, Aabihiis Xasan Xayle, wuxuu kusoo koriyay marxalad aad u adag, inta badan waqtigiisa wuxuu Aaabe Xayle Xamaali ka ahaa Suuqa Dhuxusha ee Tawfiiq, halkaas oo uu si dirqi ah ugu maaraynjiray Nolosha iyo Waxbarashada Cabdikariim ilaa uu ka dhameeyay Jaamacadda Sanadkii tagay.

Marxuum Cabdikariim, wuxuu maalmo yar ka hor ka helay Shaqadiisii ugu horaysay ee uu qabto Ilays Internet Caffe oo ku taalla meel aan ka fogayn Hotel Dayax oo ay weeraren Al-Shabaab, taas oo oo farxad galisay Cabdikariim iyo qooyskiisa oo filanayay in ay helidoonaan Mirihii ugu horeeyay ee halgankii Barbaarinta Cadikariim, Nasiib Darro, Al-Shabaab ayaa galaaftay Noloshii Cabdikariim halkaas ayayna ku dhamaatay rajadii reer Xasan Xayle oo ay ka damiyeen Shabaab Iftiinkii usoo baxay, iyagoo aan Reer Xayle garanaynin sababta loo dilay Wiilkooda oo aan qaadan Mushaaarkii ugu horeeyay ee uu shaqaystay, maadaama uusan ka tirsanayn Dawladda ama dhinac kale oo Siyaasadeed.
marxuub Cabdikariim 1

Marxuumad Fartuun iyo wiilkeed.

Inkasta oo aynaan helin Xog dhamaystiran, hadana waxaa ah  Tusaale kale oo Naxdin leh, Ilaah ha u naxariistee Hooyo Fartuun Axmed Caddoow iyo Wiilkeeda oo ka mid noqday Shacabkii ku nafwaaye Weerarkii Argagixiso ee Hotel Dayax, Hooyo Fartuun waxeey Maqaayad ku lahayd Goobta ay isku qarxiyeen Naftood haligayaasha Shabaab.

Aroornimadii Arbacadii 25- 01- 2017, ayay kasoo ka lahday Gurigeeda, iyada iyo Wiilkeeda si ay nolol Maalmeedka Reerkeeda uga soo saarato Maqaayadeeda, hase ahaatee Cadawga ayaa ubadalay Hamigaas Geeri, halkii ay Reerkeeda ka filayeen in ay Quutaan Dhididkeeda, waxaa usoo yeeray War xun oo ah in Hooyo Fartuun iyo Wiilkeeda la isku kor dilay, si la mid ah Reer Xayle, Qooyska Hooyo Faruun magaranayaan danbiga ay galeen ee loo dilay kuwii ay jeclaayeen.

Kuwaani waa Tusaalooyinka ugu yare e aan helnay, waxaase hubaal ah in ay Tobaneeyada Qof ee halkaas ku dhintay ay la mid ahaayeen kuwaan amaba ay ka murugo badanyihiin, balse iswaydiinta ayaa ah ma ku talagal ayaa loo dilay mise waa lagu qaldamay?

Ma ku talo gal ayuu ahaa mise?

Waxaa jira arrimo aan u helikarno Jawaabta Saxda ah, tan koowaad, kuwa soo qaaday Weerarkaan, kama qarsoonayn in falkoodu uu gaysankaro Qasaaraha nuucaan ah, maadaama nuuca Weerarkooda Goobta ay weerareen iyo Xilliga ay weerareen intuba ay ka hubaal ka dhigayso in ay dhicikaraan waxa dhacay iyo in ka badan oo Allaah ku baajiyay Dadaalka Ilaaladii Hoteelka iyo Ciidamada Amniga ee u gurmaday goobta, kuwaas oo ku guulaystay in aanu udhicin Falkaas sida ay Qorsheeyeen Cadawga, iyagoo ku koobay Qasaaraha inta ay gaysteen Qaraxyada balse toogtay Dableeydii Shabaab intii aanay laylin inta ka badbaaday Qaraxyada sida uu ahaa ku talo galkooda.

Caydaynta Labaad ayaa ah, markii uu dhacay Weerarkaan kaddib, Shabaab waxa ay ku faaneen Dadkii ay laayeen, iyagoo ku sheegay in ay ahaayeen Gaalo, iyagoo aan kala saarin intii dhibaatadu gaartay, taas oo ka marqaati ka caysa in ah hal qaanad ugu wada jiraan Shacabka iyo Dawladda una arkaan Qofkasta oo aan ka mid ahayn iyaga in uu yahay Cadawgooda, maadaama aanay xitaa cudurdaar ka bixinin Shacabkii ay laayeen taas oo micnaheedu yahay in ay ku qanacsanaayeen, isla markaana ku ahaayeen Duulaan.

Saddexda Dhibane ee aan ku xusay Qormadaan, waa wax aad u yar marka labarbardhigo Qasaarihii Weerarkaan, sidoo kale Weerarkaan waa mid aad u yar marka labarbardhigo Weeraradii ka horeeyay marka laga eego Qasaaraha uu gaystay iyo Mudada uu socday intaba taas oo daliil u ah in Weerarada Argagaxisadu ay Maalinkasta galaafanayaan Maati aan waxba galabsan, kuwaas oo aan garanaynin sababta loo dilay, kuwa dilay aanay garanaynin Magacyada kuwa ay dileen iyo sababta ay u dileen toona.

Maxaa laga barankaraa?

Waxa kaliya ee mudan ee laga barto Dhacdooyinkaan ayaa ah, marka hore in aragti mid ah loo yeesho in Weerarada Argagixisadu aanay kala saaraynin Shacab iyo Dawlad, taas badalkeedana ay muhiimad u tahay in falkoodu gaysto Qasaare badan, tan xigta ayaa ah in loo midoobo ladagaalankooda, maadaama loo dhanyahay waxyeeladooda, tan Saddexaad ayaa ah in aan la halmaamin Dadka ay maranayaan si loo ogaadao kuwa ay yihiin.

W/D: Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaalla

LEAVE A REPLY