Golaha Wasiirada oo Shir deg deg ah ka yeelanaya Gurmadka Abaaraha +...

Golaha Wasiirada oo Shir deg deg ah ka yeelanaya Gurmadka Abaaraha + Wareysi gaar ah oo SONNA ay la yeelatay R/W ku xigeenka Dalka

577
0
SHARE
R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Carte, iyo Wariye Maxamed Kaafi

MUQDISHO (SONNA) Ra’isul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte oo wareysi gaar ah siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa wuxuu ka hadlay Doorashada haatan ka socota Dalka iyo sidoo kale xaaladaha Abaaraha ee ka taagan qaybo badan oo ka mid ah Soomaaliya.a

Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay Soomaaliya in doorashooyinka hadda socda ay kaga dhiganyihiin wax weyn maadaama wadanka mudo dheer uu soo maray burbur taasina ay dib u dhigtay wax badan oo ka mid ahaa dowladnimada Soomaaliya.

“Doorashooyinkaan muhiimada ugu weyn oo ay u leeyihiin dalkeena waxaa kow ka ah inay sahlayaan in marka la gaaro sanadka 2020-ka ay Soomaaliya ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah, sidoo kale doorashadaan waxay u tusaysaa inuu isbal ku dhacay qaabka wax loo dooranayay, waad ogtahay 2012-kii xildhibaanada waxaa sooqorayay Odoyaal laakiin hada waxaa soo doortay halkii xildhibaanba 51-ergo ah.” sidaasi waxaa yiri R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

R/wasaare ku xigeenka Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cumar Carte

Sidoo kale wuxuu ka hadlay R/wasaare ku xigeenka dalka dib u dhaca ku yimid xiliga Doorashada iyo waxa sababay in xiligaan ay soogaarto Doorashada Madaxweynaha, wuxuuna sheegay inay jireen duruufo badan oo xadidayay Xukuumadda uu ka mid yahay laakiin aysan jirin go’aan siyaasi ah oo ka danbeeyay dib u dhaca yimid.

“Hadda waxaa lagu jiraa xili doorasho laakiin waxaan aaminsanahay inay jiri doonto marka laga baxo doorashada in lagu amaano dowladda hanaanka Doorashada.” Ayuu hadalkiisa sii raaciyay R/wasaare ku xigeenka Dalka.

R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mudane Carte, iyo Wariye Maxamed Kaafi

Wakaaladda SONNA oo waydiisay Mudane Carte waxa Aqalka Sare uu ka badali karo siyaasada Soomaaliya, maadama markii ugu horeysay Soomaaliya ay yeelatay Aqal Sare ayaa wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay Aqalkaan.

“Aqalka Sare wuxuu keenayaa in Dowlad Gobaleedyada ka jira dalka ay cod ku yeeshaan Baarlamaanka Soomaaliyeed, marar badan dadka ku nool Dowlad Gobaleedyada iyo Siyaasiyiinta ayaa ka cabanayay in dowladdu wax kasta gacanta ay ku haayo, taasna ayaana ah isbadalka hadda jira.” Ayuu yiri Carte.

R/wasaare ku xigeenka Soomaaliya ayaa dhanka kale wuxuu ka hadlay xaaladda Abaaraha ee haatan ka jirta qaybo badan oo ka mid ah dalka, wuxuuna sheegay in Afar xili oo la sugayay Roobab inaysan da’in taasina ay saameyn badan ku yeelatay dadka Soomaaliyeed ee isugu jira Xoola dhaqatada iyo beeralayda ah.

Waxaa jira kulan deg deg ah oo ay isugu imaanayaan Golaha Wasiirada oo looga hadlayo xaaladda Abaaraha iyo qaabka ugu macquulsan ee deg deg ah oo gar gaar loola gaari karo dadka liita oo ay Abaartu saameysay, sida uu tilmaamay Maxamed Cumar Carte.

Ugu danbeyntii R/wasaare ku xigeenka ayaa sheegay inay jiraan lacago badan oo ay diyaariyeen Beesha Caalmka oo loogu talagalay in loogu gurmado dadka ku sugan deegaannada ay Abaaruhu ka jiraan.

Wareysiga R/wasaare Ku xigeenka Dalka Mudane Maxamed Cumar Carte uu siiyay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA oo dhameystiran Halkaan Hoose ka daawo.

LEAVE A REPLY