Chelsea oo 8 dhibcood oo nadiif ah ku hoggaamineysa PL-ka Sawirro

Chelsea oo 8 dhibcood oo nadiif ah ku hoggaamineysa PL-ka Sawirro

523
0
SHARE

London(SONNA)-Kooxda Kubadda Cagta ee Horyaalka Dalka Ingriiska (PL) ayaa ku hoggaaminaysa 8 dhibcood oo nadiif ah kala horreynta Kooxaha Dalkaasi, Kadib markii ay 2 iyo 0 ku quusiyeen Kooxda Hull City.

Goolka 1-aad waxaa kooxda Chelsea u dhaliyay weerarkooda ee Diego Costa, oo xalay sameeyay dabaal deg u dhignaa wixii aad maqasheen ee ah dagaal inuu igala dhexeeyo kooxda iyo inaan ku sii jeedo horyaalka Shiinaha dhammaan waa hadal uun, iyadoo dhaliyaha reer Spain uu xalay ugu dameyn dib ku soo laabtay safka Blues isagoona dhaliyay goolkii furitaanka ciyaartii ay 2-0 xalay uga adkaadeen Hull City.

Ma ahayn dabaal deg horey looga bartay, taageerayaasha Blues oo durba ku soo hadlay Twitter-ka ayaana aad ula dhacay iyagoona u fasirtay inuu kooxda la sii joogayo.

Kulankii xalay ayaa ahaa kii 100-aad uu Blues u safto wuxuuna u dhaliyay goolkiisii 52-aad.

LEAVE A REPLY