Xildhibaan Qoone oo ku baaqay in gurmad lala gaaro dadka ay abaartu...

Xildhibaan Qoone oo ku baaqay in gurmad lala gaaro dadka ay abaartu saameysay

384
0
SHARE

Maxamed Xasan Ibraahim Qoone oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya oo ku sugan magaalada Beladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegay in abaarta ka jirta dalka ay saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada, loona baahanyahay in bulshada ay u istaagto sidii dadkaasi wax loogu qaban lahaa.

Xildhibaanka oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa hoosta ka xariiqay in bulshada Soomaaliyeed looga baahanyahay inay u istaagaan sidii loo caawin lahaa walaalahood dhibaateysan ee ay saameynta ku yeelatay colaadda iyo abaarta ka jirta qaar ka mid ah gobollada dalka.

Xildhibaan Maxamed Xasan Ibraahim Qoone ayaa Madaxda sare ee dalka ka codsaday in mushaaraadkooda qeyb ka mid ah ku taakuleeyaan dadka abaaraha saameynta ku yeelatay, isagoo intaa ku daray in Xildhibaannada ay qaadan doonaan doorkooda uga aadan u gurmashada walaalahood dhibaateysan.

LEAVE A REPLY