Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo maanta la dooranayo

Guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka oo maanta la dooranayo

598
0
SHARE

Muqdisho (SONNA) Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dooranaya Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo Labaad ee golaha shacabka Soomaaliya, xili shalay ay doorteen Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Xilka Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u taagan ilaa iyo Lix Xildhibaan, iyadoo guddoomiye ku xigeenka Labaadna ay u taaganyihiin ilaa iyo 10-Mudane.

Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegay inay si wanaagsan ugu diyaar garoobeen Doorshada maanta dhacaysa.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka lagu arkayaa ciidamo badan kuwaas oo si wayn u foojigan.

Madaxweynaha JFS ayaa ku ammaanay ciidammada Ammaanka sida wayn oo ay ugu dhabar adeegeen Sugidda Ammaanka xiliga ay dhacayaan Doorashooyinka Qaranka.

LEAVE A REPLY