Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”

Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Cadaado “SAWIRRO”

458
0
SHARE

CADAADO (SONNA) Wafdi uu hogaaminayo Madaxwaynaha Galmudug ayaa maanta soo gaaray magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee dawlad goboleedka Galmudug.

Wafdiga uu hogaaminayay Madaxwaynaha dawlad goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Cadaado ku soo dhaweeyay Madaxwayne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi, xubno ka tirsan golaha wasiirada maamulka, saraakiisha ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxwaynaha Galmudug C/kariin oo saxaafadda la hadlay ayaa soo jeediyay in amniga deegaanada Galmudug laga taxadaro loona hoggaansamo amarkiisii ahaa xaaladda deg degaa ah.

Sidoo kale madaxwaynaha Galmudug ayaa ka hadlay xaaladaha abaareed ee ka jira deegaannada Galmudug, isagoo ku baaqay in la caawiyo dadka ay abaartu saamaysay.

LEAVE A REPLY