Turkiga oo Duqeyn Diyaaradeed ku dilay xubno ka tirsan Argagixisada Daacish

Turkiga oo Duqeyn Diyaaradeed ku dilay xubno ka tirsan Argagixisada Daacish

357
0
SHARE

 

Ankara 11-1/2017(SONNA) Mileteriga Turkiga ayaa sheegay  in maanta oo Arbaco ah ay  duqeyn Diyaaradeed oo Cirka ah ku dileen 11 ka tirsan kooxda argagixisada ah ee Daacish.

Bayaan laga soo saaray Xarunta Taliska Mileteriga Turkiga ayaa lagu sheegay in xubnahaasi argagisisada ah lagu dilay  hawlgal ay Ciidamada Turkiga ka fuliyeen saldhigyo ay kooxdaasi ku laheyd  waqooyiga magaalada Halab.

Wakaaladda Wararka ee Turkiga Anadol  ayaa iyaa intaa raacisay in Diyaaradaha dagaalka ee Turkiga ay duqeeyeen 12 Saldhig iyo goobo kale ay ku dhuumaaleysanayeen kooxdasi,ayna burbiriyeen hub iyo saanad kale ee Mileteri iyo bartilmaameedyo kale oo istaraatiiji ah.

SONNA/Mukhtaar

LEAVE A REPLY