Shan mas’uul Imaaraadka ah oo ku dhintay Qaraxii Qandahar ee Afganistaan

Shan mas’uul Imaaraadka ah oo ku dhintay Qaraxii Qandahar ee Afganistaan

242
0
SHARE

AFP -11`-1-2017-(SONNA)- Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in qaraxii shalay ka dhacay magaalada Qandahaar ee dallka Afgansitaan ay uga dhinteen 5 mas’ul oo ahaa muwadiniin u dhashay Imaaraadka.

Afhayeen u hadlay Dowladda Imaaraadka ayaa sheegay in Safiirkoodii u fadhiyay dalka Afganistaan Mohamed Abdalla Al-kacbi uu ka mkid ahaa dadakii qaraxaasi ku dhaawacmay, halka Tobanaan kalna ay ku dhinteen Qaraxaasi ka dhacay magaalada Qandahaar ee dhacda bariga dalkaasi.

Dhanka kale ma’uliyiinta dalka Afgansitaan ayaa goor sii horeysay sheegay in qaraxaasi oo ay mas’uliyadiisa sheegtay ururka xaqjirka ee Daalibaan ay ku dhinteen 11 qof halka 14 kalana ay ku dhaawacmeen.

Sidoo kale Qaraxyo taxana ah ayaa iyana waxda ay ka kala dhaceen magaagaalooyinka Kabul,Helman iyo meelo kale.

SONNA/Mukhtaar

LEAVE A REPLY