Xarunta Majmaca Culimada Soomaaliyeed oo laga furtay Koonfur Afrika +Sawirro

Xarunta Majmaca Culimada Soomaaliyeed oo laga furtay Koonfur Afrika +Sawirro

326
0
SHARE

Capetown(SONNA)—Munaasabad lagu daah furayay Xarun cusub oo Majmaca Culimada Soomaaliyeed ku yeelanayo Magaalada Cape Town gaar ahaan Xaafada Soomaalida dagan tahay ee Bellville ayaa shalay lagu qabtay Magaaladaasi.

Munaasabadaasi oo ay ka soo qeybgaleen waxgarad,aqoon yahano,culimo,dhalinyaro iyo qeybaha kala duwan ee bulshada iyo sido kale maamulka sare ee majmaca culimada Soomaaliyeed oo ka yimid magaalada Johannesburg si ay u furaan xaruntaan cusube ee majmaca uu ku yeelanayo Magaalada Cape Town, ayaa waxaa Dadkii goobta ka hadlay aad u bogaadiyay Majmaca Culimada Soomaalieed ee Koofur Africa howlaha uu bulshada u qabto iyo sido kale kaalinta uu ka qaadanayo badbaadinta bulshada Soomaaliyeed dhaqan diiniyan maadaama ay ku nool yihiin dal aan ku dhaqan iyo diin intaba aheyn .

Gudoomiyaha Guud ee majmaca Culimada Soomaaliyeed ee Koofur Afrika Sheekh Awees Xamsa ayaa goobta ka hadlay waxaana uu sheegay howlo badan ay qabteen kana qeyb qaataan caawinta bulshada Soomaaliyeed kuwooda taagta daran ee u baahan kaalmada.

Sheekh Maxamed Awal ayaa Gudoomiye loogu doortay in uu ka noqdo Xarunta cusub ee Magaada Cape Town ku yeelanayo Majmaca Culimada Soomaaliyeed ee Koofur Afrika waxaana uu bulshada Soomaaliyeed ka codsaday in ay la shaqeeyaan.

Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa Laamo badan ku leh qaar ka mid ah Magaalooyinka dalka koofur Afrika, waxaana Xarunta ugu weyn ee fadhigoodu yahay Magaalada Johannesburg.

LEAVE A REPLY