Soomaali loo magacaabay Wasiirka Socdaalka ee Dalka Kanada

Soomaali loo magacaabay Wasiirka Socdaalka ee Dalka Kanada

284
0
SHARE

Toronto(SONNA)–Ra’iisul Wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa isku shaandheyn shalay uu ku sameeyay golahiisa Wasiirada waxa uuna Wasiirka socdaalka, Qaxootiga iyo jinsiyadaha ee dalkaasi u magacaabay Xildhibaan Axmed Xuseen oo ah Soomaali heysta dhalashada dalka Canada.

Axmed, ayaa noqday qofkii ugu horeeyey oo Soomaali ah oo gala baarlamaanka Canada sanadkii 2015-kii,waxa uuna markaasi ka soo galay baarlamanka Xaafada York South-Weston ee Magaalada Toronto.

Axmed Xuseen wuxuu noqon doonaa qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah oo jago wasiir ka qabta mid ka mid ah Dowladaha waaweyn ee caalamka.

Xilkaasi loo magacaabay waxaa ugu hambalyeeyay Xildhibaanad Ilhaan Cumar oo ah Xildhibaan Golaha deegaanka Mennisota ee Cariga Maraykanka, waxayna u rajeysay inuu howshiisa ku guuleysto.

LEAVE A REPLY