Horjooge Al-Shabaab ah oo isku soo dhiibay maamulka Gobalka Gedo

Horjooge Al-Shabaab ah oo isku soo dhiibay maamulka Gobalka Gedo

388
0
SHARE

MUQDISHO (SONNA) Horjooge Maxamed Cabdullaahi Xaashi oo ka mid ahaa Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay Maamulka Gobalka Gedo, sida ay  xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Gedo.

Horjoogahaan ayaa sidoo kale waxaa la socday labo ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab kuwaasi oo iyana isi soo dhiibay sheegayna inay ka soo baxeen Maleeshiyada Argagixisada ah Al-Shabaab.

Horjooge Maxamed Cabdullaahi ayaa horay wuxuu u ahaa Horjoogaha Al-Shabaab u qaabilsan magaalada Garbahaareey ee xarunta gobalka Gedo.

Xubnahaan ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sheegay inay go’aankaan qaateen ayaga oo ka faa’iideysanaya cafiskii horay ay ugu fidisay dowladda Soomaaliya dadka ka soo baxaya Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY