Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Musharaxiin is casilay

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka iyo Musharaxiin is casilay

1979
0
SHARE

MUQDISHO (SONNA) Xildhibaan Aadan Isaaq Cali oo ah xoghaayaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa wuxuu ka hadlay jadwalka Doorashada ee Guddoonka Baarlamaanka.

Wuxuu sheegay Beri oo Arbaco ah Taariikhduna ay tahay 11-Janaayo in la dooranayo Guddoomiyaha Baarlamaanka oo kaliya, waxaana xilkaasi u tartamaya ilaa iyo Afar Musharax.

Aadan Isaaq ayaa sheegay in maalinta sidoo kale la soo dooran doono Guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo Labaad ee Baarlamaanka JF Soomaaliya.

“Guddigeenu si wanaagsan ayuu igu diyaar garoobay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka, waxaana doorashadu ay ka dhici doontaa sida Guddigu qorsheeyay xarunta golaha shacabka.”sidaasi waxaa sheegay Xoghaayaha Guddiga Qaban qaabada Doorashada.

Dhanka kale xildhibaan Aadan ayaa Wakaaladda SONNA u xaqiijiyay inay tartanka Doorashada isaga hareen labo musharax oo u aagnaa xilka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka.

Xildhibaan Jamaal Xasan Ismaaciil iyo Xildhibaan Cabdullaahi Cismaan Sugulle ayaa iska casilay Musharaxnimadooda, waxaana tartanka xilka Guddoomiye kuxigeenka Labaad ee Baarlamaanka haatan u taagan ilaa iyo 10-Musharax oo kale.

LEAVE A REPLY