Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Baladweyne iyo ku xigeenkiisa

Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Guddoomiyaha Degmada Baladweyne iyo ku xigeenkiisa

833
0
SHARE

MUQDISHO (SONNA) Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa magacaabay Guddoomiyaha degmada Baladweyne, Guddoomiye kuxigeenka degmadaasi iyo Guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan, sida ay SONNA u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Degmada Baladweyne ayaa waxaa loo magacaabay Maxamed Axmed Ibraahim halka Guddoomiye ku xigeenka degmadaasi loo magacaabay Qadar Xasan Afrax.

Ducaale Aadan Cabdi ayaa asna Madaxweynaha Hirshabeelle wuxuu u magacaabay guddoomiye ku xigeenka degmada Matabaan ee gobalka Hiiraan.

Masuuliyiintaan ayaa la qorshaynayaa in maalmaha dhow ay si rasmi ah ula wareegaan xilalkooda, iyadoo xilalka laga qaaday masuuliyiintii horay ugu magacownaa xilalkaan.

Dhanka kale Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay in abaaro baahansan ka jiraan deenada Hirshabeelle dadkuna haatan ay u baahanyihiin gar gaar deg deg ah.

Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa Shacabka Soomaaliyeed iyo Hay’adaha Samafalka ugu baaqay inay gargaar deg deg ah la gaaraan dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deenaada Hirshabeelle.

XOGTA:- SONNA.SO

LEAVE A REPLY