Baarlamaanka oo Maanta dhageysanaya Khudbadaha 12-Xildhibaan

Baarlamaanka oo Maanta dhageysanaya Khudbadaha 12-Xildhibaan

493
0
SHARE

MUQDISHO (SONNA) Baarlamaanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa maanta Dhageysanaya khudbadaha musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ilaa iyo 12-xildhibaan ayaa u sharaxan xilka Guddoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka oo uu ka mid yahay Xildhibaan Mahad Cabdlle Cawad oo Afartii Sano ee la soo dhaafay xilkaan haayay.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay dhageystay 10-xildhibaan oo u sharaxan xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka.

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka ayaa dhici doonta 11-iyo-12-bishaan aan ku jirno ee Janaayo sida uu horay u shaaciyay Guddiga qaban-qaabada Doorashada Guddoonka Baarlamaanka.

LEAVE A REPLY