5 Ruux oo lagu dilay toogasho ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Florida +Sawirro

5 Ruux oo lagu dilay toogasho ka dhacday Garoonka Diyaaradaha Florida +Sawirro

414
0
SHARE

Florida(SONNA)–Shan qof ayaa la xaqiijiyay inay dhintee, 8 kalena ay ku dhaawacmeen toogasho ka dhacday garoon diyaaradeed oo ku yaalla Gobolka Florida ee dalka Maraykanka, iyadoo ay Mas’uuliyiintu sheegeen in toogashadaasi lagu tuhunsan yahay inuu fuliyay Estaban Santiago oo ah 26 jir kana mid ahaa rakaabkii diyaaradaha la socday isagoo ka yimid Gobolka Alaska.

Ninkaasi geystay falkaasi ayaa la sheegay in Boolisku qabteen waxaana su’aallo weydiinaya Ciidamada Dambi-baarista ee FBI-da Maraykanka.

Guddoomiyaha Gobolka Florida Rick Scott ayaa sheegay in weerarkaasi toogashada ah oo ka dhacay Garoonka Diyaaradaha ee Fort Lauderdale airport Maalintii Jimcaha aheyd, halkaasi oo ay ku geeriyoodeen shan qof, halka siddeed kalena ay ku dhaawacmeen.flo1flo2flo3flo

LEAVE A REPLY