Wakaaladda SONNA way turunturootay haddase waa ka tallaabsatay (Faallo)

Wakaaladda SONNA way turunturootay haddase waa ka tallaabsatay (Faallo)

381
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA in kastoo qoraal lagu soo koobi Karin wax qabadkeeda tan iyo intii ay jirtay sida ay u shaqeynaysay, balse waxaa dhidibada loo taagay 5-tii bishii Janaayo sanadkii 1964-kii, waxayna aheyd muhiimadda loo aas aasay ama ay hawsheedu ahaato soo ururinta, habeynta iyo faafista Wararka gudaha iyo dibadda, islmarkaana ay ahaato isha kaliya ee Wararka Dalka laga heli karo, wayna ka soo dhalaashay hawshaasi loo idmaday.
Haddaan wax ka xuso sida ay u shaqeeysay muddadii ay jirta, waxaana ka mid ahaa qaab-dhismeedkeeda Agaasimaha, ku xigeenno, 3 Tafatire oo ku shaqo leh 3-da Meerto ama Shifti, Qoraayaal, Wariyayaal Xaruunta dhexe ka hawlgala, una xil saran soo ururinta Wararka iyo Wariyayaal u joogay Xaruumaha Gobolada Dalka oo dhan, kana soo tabinayay Wararka iyo dhacdooyinka kaleba.

Wakaaladdu muddadii ay jirtay waxay ku tilaabsatay guulo badan, waxayna aqoonsi buuxda ku lahayd Caalamka oo dhan, waxaase si gaar ah xiriir warar isdhaafsi iyo khibrado la laheyd Wakaaladaha Dunida ugu caansan oo ay ka mid yihiin AP, AFP, Reuters, Intertass, DPA, ANSA, INA, MUNA, SUNA iyo kuwo kale oo heer Caalami iyo Goboleedba ah, dhammaantoodna waxaa ka wada dhaxeeyay wada shaqeyn joogta ah.

Balse buruburkii Dalka ka dhacay ee sanadkii 1991-kii ayaa Wakaaladda SONNA saameeyay, waxaana wiiqmay meeqaabkii iyo hawshii ay Qaranka u idmaneyd, waxaana soo baxay Idaacaddo iyo Telefishinno, gaar loo leeyahay oo wada jaantaa rogan ah oo wararka cid walba sida ay rabto u sheegato, nasiib wanaag 8-dii bishii Maarso ee sanadkan 2016-ka ayaa si rasmi ah loogu furay Dhisme cusub iyo inay hawsha ay Qaranka Soomaaliyeed u haysay dib u bilaabato muddo 25-sano kadib, waxaana xarigga ka jaray Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdurashiid Cali Sharmaarke.sonna-cusub

Haddaba shalay oo taariikhdu ku beegneyd 5-tii Janaayo 2017-ka ayaa lagu qabtay Xaruunta Wasaaradda Warfaafinta xaflad lagu maamuusayay sanad-guuradii 53-aad ee aas-aaska iyo sanad guuradii 1-aad ee ka soo wareegtay markii dib loo howlgaliyay Wakaaladda SONNA, ayaa hadalo warbixin ah ka soo jeediyay Agaasimaha Wakaaladda SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala Agaasimaha Wakaaladda Wararka Waranka Soomaaliyeed ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Cadaala ayaa ku dheeraaday waxqabadka iyo dadaalkii loo soo galay muddadii halka sano aheyd uu xilkaasi hayay,wuxuuna tilmaamay in la suurtogaliyay soo nooleynta Wakaaladda oo u qeybsan Qeybta Wararka Gudaha, Carabiga iyo Luuqadda Ingiriiska, kuwaasi oo suurtogaliyay in ay faafiyaan Warar ku kala qoran Soomaali, Carabi iyo Ingiriis.

“waxaa kaloo jira qeybta News Alert-ga oo Mobilada fariinta Warasrka loogu gudbiyo Masuuliyiinta Dalka iyo shacabka Soomaaliyeedba, waxayna kala socon karaan Wararka markaasi jira ama dhacdooyin soo kordha, iyagoo Raadiye ama Joornaal ama TV haysan oo waxa ay ugu soo dhacaysaa Telefoonka gacanta uu qofku wato, iyo qeyb kale oo Bullitin ah oo Emailka loogu diro Masuuliyiinta Dalka, Safaaradaha iyo He’adaha UN-ka” Ayuu yiri Agaasihe Cadaala, wuxuuna xusay in Xaruumo ay ka sameysay Magaalooyinka Kismaayo,Baydhabo,Beledweyne iyo kuwo kale, sanadkaanna ay ku kordhin doonaan Nagaalooyinka Cadaado iyo Garawe.

Agaasimaha oo ka hadlaayay Xiriirada Wakaaladdu la leedahay Wakaaladaha Wararka ee Dunida waxa uu sheegay in ay la leyhiin in ku dhow 10 Wakaalado Warareed oo ay isdhaafsadaan Wararka iyo khibradaha, wuxuuna hoosta ka xariiqay in in goor dhow ay heshiis wada yeelan doonaa Wakaaladdaha Wararka ee INTERTASS iyo Reuters oo ka kala dhisan Wadamada Ruushka iyo Boqortooyada Midowday ee Britain.

Wasiirka Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo isna Xafladaasi ka hadlay waxaa uu aad ugu dheeraaday dadaalkii loo soo galay sidii ay dib ugu howlgalshay iyo dadaalkii ay ugu suurogashay inay ka soo dhalaalaan shaqadii loo egmaday, wuxuuna yiri “ in Hey’ad la kiciyo ma fududa balse juhdi dheer iyo dadaal dheer kadib waxaa noo suurtogashay in aan dib u howlgalino Wakaaladda SONNA, islmarkaana aan hirgalinno dhisme cusub, balse waan ku guuleysanay arrimahaasi oo dhan fulintooda waana ku ammaanayaa intii howshaasi ka qeybqaadatay”.

Wasiirka oo sii ambaqaadayay hadalkiisa ayaa sheegay in Wakaaladda SONNA dib loo howgaliyay sanadkii ee 2015-kii, isagoo qiray tan iyo waqtigaan ay qabatay howlo aad u muhiim ah ayna kasbatay dareenka shucuub badan iyo Wakaalado Warareed oo badan, wuxuuna yiri “ Wakaaladda Wararka ee SONNA waa isha kaliya ee laga xiga karo dhammaan wixii Warar ah ee ku saabsan gudaha Dalka Soomaaliya, waxayna masuul ka tahay soo ururinta, habeynta iyo faafinta Wararka, waxaana looga baahan yahay Hey’adaha Dawladda inay Wararka siiyaan Wakaaladda”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeey bahda Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan Shaqaalaha iyo Maamulka Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) Munaasabadda 53-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii SONNA, wuxuuna yiri“Maanta waa maalin weyn oo ku began maalintii la aas aasay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) 1964-kii,waxaana hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha iyo Maamulka SONNA”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadaan horumarka ah ee ay sameysay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay qeyb ka tahay dedaalada lagu soo nooleeyey laguna horumarinayo hey’adaha dowladda, wuxuuna ku dhiirigaliyay Masuuliyinta Wakaaladda in ay laba-laabaan dadaalkooda, islamarkaana sii kordhiyaan hiigsigooda ah horumarinta Wakaaladda SONNA, maadaama SONNA ay tahay Hey’ad u taagan kor u qaadista iyo soo bandhiggidda Wararka Xaqiiqda rasmiga ah ee dalka Soomaaliya.

Haddaba Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA way turunturootay oo kuftay, balse hadda ayay talaabsatay, waxaana u rajeynayaa inay kaalinteedii hore oo kale qaadato, sanadkan kiisa xigana horumar la taaban karo.

W.Q.C/lahi Xuseen Calasow Ruush123

LEAVE A REPLY