Madaxweynaha oo SONNA Ugu Hambalyeeyay Sannad Guurada 53-aad

Madaxweynaha oo SONNA Ugu Hambalyeeyay Sannad Guurada 53-aad

348
0
SHARE

Mudisho(SONNA):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu hambalyeey bahda Wasaaradda Warfaafinta gaar ahaan Shaqaalaha iyo Maamulka Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) Munaasabadda 53-aad ee ka soo wareegatay aas-aaskii SONNA oo maanta ku beegan.

“Maanta waa maalin weyn oo ku began maalintii la aas aasay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed (SONNA) 1964,Waxaana hambalyo iyo Bogaadin u dirayaa dhammaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan shaqaalaha iyo Maamulka SONNA” ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabadaan horumarka ah ee ay sameysay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ay qeyb ka tahay dedaalada lagu soo nooleeyey laguna horumarinayo hey’adaha dowladda.

Madaxwaynaha ayaa ku dhiirigaliyay masuuliyinta Wakaaladda in ay laba-laabaan dadaalkooda islamarkaana sii kordhiyaan hiigsigooda ah horumarinta Wakaaladda SONNA, maadaama SONNA ay tahay Hay’ad u taagan kor uqaadista iyo soo bandhiggidda Xaqiiqada rasmiga ah ee dalka Soomaaliya.

Ugu dambayn, Madaxwaynuhu wuxuu si gaar ah ugu ammaanay Wasaaradda, gaar ahaan Madaxda Wakaaladda, hawlkarnimada ay ku xaqiijiyeen soo noolaynta SONNA, taas oo ah guul u soo hoyatay Qaranka Soomaaliyeed.

-Dhammaad–

img_0397 img_0549 img_0553-1024x683 img_0560 img_0585-1 img_0590 img_0603orange img_0701 img_0702

LEAVE A REPLY