Laba kun iyo afar boqol oo Lo’ ah oo loo dhoofiyay Cummaan...

Laba kun iyo afar boqol oo Lo’ ah oo loo dhoofiyay Cummaan iyo Yeman

571
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa waxaa ka ambabaxaya Maraakiib Ganacsi oo sida Lo’ tiradooda lagu sheegay Laba kun iyo afar boqol (2,400) oo Neef, kuwaasi oo ku sii jeeda Wadamada kala ah Yeman iyo Cumaan.

Markabka u ambabaxay Dalka Cumaan ayaa waxa uu qaaday kun iyo sagaal boqol (1,900) oo Lo’ ah waxaana laga dejin doonaa Dekedaha ku yaal Wadanka Cumaan oo halkaasi Ganacsi loo geeyay.

Markabka ku siijeeda Wadanka Yeman, isna waxa uu qaaday 500 oo Lo’ ah waxa uuna ka dejinayaa Dekedaha Wadanka Yeman.

Wadanka Sacuudiga ayaa kol hore joojiyay Lo’da ka takta Wadanka Soomaaliya,kaasi oo ku eedeyay in laga helay Cudurada ku dhaca Lo’da.lo1lo2

LEAVE A REPLY