Marwada Madaxweyanaha oo xaflad u sameysay Gabdhaha K.Koleyga ee Maamul-goboleedyada

Marwada Madaxweyanaha oo xaflad u sameysay Gabdhaha K.Koleyga ee Maamul-goboleedyada

976
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Munaasabad casho sharafta ah oo ay soo agaasintay Marwada Madaxweynaha Qamar Cali Cumar oo lagu dhiiragalinayay tartankii Gabdhaha Kubada kuleyga Maamul goboleedyada ee lagu soo gabagabeeyay Magaalada Garoowe ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho.

Casho sharafta oo ay ka qeybgalay Ururka Haweenka Qaranka, Kooxaha kubada Kuleyga Maamul goboleedyada, Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka, Maamul goboleedyada iyo marti sharaf kale,ayaa waxaa ka hadlay
Gudoomiyaha Ururka Haweenka Batuulo Sheekh Axmed Gabale ayaa Gabdhaha Kubada koleyga u gudbisay fariin dhiiragalin oo ay siday Marwada Madaxweynaha.

“waxaan halkaan idingugu soo gudbinayaa hambalyada Marwo Qamar Cali Cumar, waxa ay idinku dhiiragalineysaa Sportiga iyo in aad soo celisaa magaca Soomaaliya”, ayay tiri Batuulo.

Sucaad Cabdullahi oo ka mid ahayd qaban qaabiyaashii tartankaan ayaa sharaxday sida ay ku timid qabsoomida tartanka Kubada Koleyga Gabdhaha, waxayna tiri “waxaan ahaa maskaxii ka dambeysay barnaamijkaan, waxaan sameeyay marka aan arkay sida Gabdhaha ay u jecel yihiin Sportiga iyo sida ay ugu baahan yihiin caawin”.

Xildhibaan Naciima Ibraahim Yuusuf oo ka tirsan Barlamanka Federaalka ayaa bogaadisay in fagaaraha Ciyaaraha ay kusoo laabtaan Kabdhaha iyo in la horumariyo, waxayna tiri “waan dhiiragalinayaan in mar kale fagaarayaasha Sportiga lagu arko gabdhaha sidaasi awgeed waxaan ku baaqayaa in la horumariyo”.

Gabdhaha Kubada Koleyga Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay Koobka Ciyaarihii Gabdhaha Kubada Koleyga Maamul goboleedyada ee lagu qabtay Magaalada Garoowe, iyaga oo ka guuleystay Kooxdii ka socotay Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY