Gabdhaha Kubadda Koleyga ee Banaadir iyo Hirshabeelle oo Caawa ciyaaraya

Gabdhaha Kubadda Koleyga ee Banaadir iyo Hirshabeelle oo Caawa ciyaaraya

727
0
SHARE

Garowe(SONNA)—Tartankii Ciyaarta Gabdhaha Kubadda koleyga ee Maamul-goboleedyada Dalka ayaa soo gaaray heerka kama dambeys ah.

Ciyaarta kama dambeysta ayaa la filayaa in ay caawa ku wada kulmaan ciyaartooy Gabdhaha ka kala socda Maamul-goboleedka Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir, kuwaasi oo ka soo kala badiyay Kooxaha ku ciyaarayay Maamul-goboleedyada Galmudug iyo Puntland.

Madax ka tirsan Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga ayaa shaaciyay in kulanka kama dambeysta ah la ciyaari doono Caawa, saacadda Magaalada Garowe marka ay tahay 8-da Fiidnimo, kaasoo ay kuwada balansan yihiin Kooxaha Gabdhaha Kubadda Koleyga ee Gobolka Bnaadir iyo kuwa Maamul-goboleedka Hirshabeelle, waxaana laga filayaa inay soo bandhigaan ciyaar xiiso leh oo ay ka wada helaan daawadayaasha.hirbanaadir

LEAVE A REPLY