Tartankii Kubadda Koleyga Gabdhaha oo heer dhamaad ku dhow

Tartankii Kubadda Koleyga Gabdhaha oo heer dhamaad ku dhow

525
0
SHARE

Garawe(SONNA)–Semi final-ka Tartanka Kubadda Koleyga gabdhaha ee Maamul-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ee sida habsamida leh uga socda Magaalada Garoowe ayaa waxa uu soo gaaray heer gabagabo ah.

tartankaasi ayaa soo gaaray heerka Semi-finalka,waxaana lagu wadaa in ay maanta wada ciyaari doonaan Gabdhaha ku ciyaaraya Magaca Maamul-goboleedyada Galmudug vs Hirshabeele, waxaa kaloo jiri doonaa kulan isna dhexmari doona Gabdhaha ku Ciyaaraya Magaca Maamul-goboleedka Puntland vs Banaadir.

Xiriirka Kubbadda Koleyga ee Soomaaliyaa ayaa cadeeyay in labadasi kulan ciddii ka soo baxda ay isugu imaan doonaan ciyaarta kama dambeysta ah, iyadoo Kooxdii ku guuleysataya ay noqon doonta Horyaalka Kubadda Koleyga ee dhinaca Gabdhaha ee Maamul-goboleedyada Dalka.

LEAVE A REPLY