Somaliya oo Safaaradeeda u wareejisay Cadan

Somaliya oo Safaaradeeda u wareejisay Cadan

442
0
SHARE

Cadan(SONNA)–Madaxweynaha Dalka Yaman Cabdi Rabbi Mansuur Al-Haaddi ayaa shalay warqadaha qoonsiga ka guddoonmay safiirka Soomaaliya ee dalka Yaman Cabdullaahi Xaashi Shuuriye oo si rasmi ah ugu shaqeyn doona Magaalada Cadan ee dalka Yaman oo ah caasimadda Kmg ah ee Dowladda dalkaasi.

Arrintaan ayaa waxa ay ka dambeysay markii Caasimadda Sanca ay qabsadeen kooxaha Xuutiyiinta ee la dagaallamaya dowladda, taasi oo keentay in diblumaasiyiintii ay isaga baxaan dalka Yaman.

Madaxweynaha Yaman waxa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku ammaanay Go,aanka geesinimada leh ay diblumaasiyiinteeda ugu Rartay Magaalada Cadan, wuxuuna Dowladaha kale ugu baaqay in ay qaadaan Tallaabada Dowladda Soomaaliya oo kale.

LEAVE A REPLY