Tartanka Kubbadda Koleyga ee Hablaha ee Maamul-goboleedyada oo ka furmaya Garawe

Tartanka Kubbadda Koleyga ee Hablaha ee Maamul-goboleedyada oo ka furmaya Garawe

578
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Tartanka Ciyaaraha Kubbadda Koleyga ee dhinaca Hablaha ee Maamul-goboleedyada Dalka Soomaaliya ayaa lagu filayaa in uu dhowaan ka furmo Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Ciyaartooyda oo ka kala socda Maamul-goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, Hirshabeelle iyo Gobolka Banaadir ayaa markii ay soo gaareen Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa waxaa soo dhaweeyayay Masuuliyiinta ka tirsan Wasaarada ciyaaraha ee Puntland , Maamulka Gobolka Bari, kan Degmada Boosaaso iyo shacabka Magaalada.

Guddoomiyaha Gobolk Bari Yuusuf Maxamed Wacays Dhedo ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin in hablo Soomaaliyeed oo tartan ciyaareed u yimid ay ku soo dhoweeyaan Boosaaso, waxaana uu amaanay horumar dhanka ciyaaraha ee Soomaaliya.

Hablaha ka qeyb geli doona tartanka kubadda koleyga oo ka kala socda 4 Maamul-goboleed ee Soomaaliya ah iyo Gobolka banaadir ayaa gaaray dhowaan Garoowe, halkaasi oo ay kaga qeyb geli doonaan tartanka kubbada koleyga ee Hablaha ee Maamul-goboleedyada Dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY