Man City oo kaalinta 2-aad ka gashay kala horreynta EPL +Sawirro

Man City oo kaalinta 2-aad ka gashay kala horreynta EPL +Sawirro

422
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Kooxda kubadda Cagta Mangester City ayaa haatan soo gashay kaalinta 2-aad ee kala horreynta horyaalka Premier League Dalka Ingiriiska, kadib markii ay guul muhiim ah ka gaartay Kooxda Arsenal, ciyaartaasi oo ka dhcaday garoonkeeda Etihad ee ay ku ciyaarto Kooxda Man City.

Kooxda Arsenal ayaa goolka la horreysay waxaana u dhaliyey afartii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta Theo Walcott, kaddib markii baas hagaagsan oo uu ka helay saaxiibkiisa Alexis Sanchez, Gunners oo 1-0 ku hoggaamisay Man City oo gurigeeda joogta ayaana lagu kala nastay kulankan.

Qeybtii labaad ee ciyaarta markii dib la isugu soo laabtay Man City ayaa la timid ciyaar dardar iyo baasas u dhisan waxaana u suura gashay inay ciyaarta dhanka kale u rogaan, waxaana goolka barbaraha u dhaliyey Leroy Sane, wuxuuna ahaa Goolkii ugu horreeyey Leroy Sane ee uu u dhaliyo Man City ayuu ahaa waxaana uu yimid daqiiqaddii 47’aad ee qeybtii dambe ee ciyaarta, iyadoo uu ka caawiyey David Silva, waxaana uu dhammaystiray kubbad uu soo karoosay, isagoo dhinac ka dhigay goolka Arsenal kulanka ayaana sidaas ku noqday barbaro 1-1.

Man City ayaa la wareegtay hoggaanka ciyaarta daqiiqaddii 72’aad waxaana u dhaliyey Raheem Sterling, kaddib markii uu garabka bidix kala soo xarooday kubbad uu ka helay Kevin de Bruyne, laad xoog leh qabad siiyey kubadda, taasoo ka hoos dustay goolhaye Cech, kulanka ayaana 2-1 looga adkaatay Arsenal oo marti ahayd.

Kooxda Manchester City ayaa soo degtay kaalinta 2-aad ee kala horreynta horyaalka Premier League, iyadoo leh 36-dhibcood 17 kulan oo ay ciyaartay, halka Arsenal loo riixay kaalinta afaraad, inkastoo 34-dhibcood ay la wadaagto kooxda kaalinta saddexaad ku jirta ee Liverpool oo kulan u harsan yahay, iyadoo kaalinta 1-aad ay ku raaxeeysanayso Kooxda Chelsea oo leh 43 dhibcood.man1man2man3man4man5man

LEAVE A REPLY