Faallo:Muqdishooy ku dayo Kigali +Sawirro

Faallo:Muqdishooy ku dayo Kigali +Sawirro

2005
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Inta aan u gudagalin dulucda Faallada, marka hore Joqraafi ahaan meesha ay dhacdo,Rwanda waa wadan ka tirsan wadamada bariga Afrika ,mana laha wax bad ah, waxayna caan ku tahay buuro aad u cagaaran, xadna kaga leedahay dhanka galbeed Jamhuuriyadda Demoqratiga ee Congo (DRC),Tanzania dhinaca bariga,Uganda dhinaca waqooyi iyo Burundi dhinaca koonfur kaga began, tirade dadka Rwanda waxaa lagu qiyaasaa in ee yihiin 10.5 milyan oo ruux, taageero aya ka heleen Bankiga Aduunka iyo Heyada lacagta Aduunka(IMF) ayaa waxa ay awoodeen in dhaqaalahooda hormariyaan ,qaab-dhismeedkooda dowladeedna hagaajiyaan isla markaana ay joogteeyaan heerka koritaanka dhaqaalahooda tobankii sano ee la soo dhaafay.

Rwanda waxaa ka dhacay mid kamid ah xasuuqyada aduunyada ugu weynaa ee ebid ka dhaca inta la xasuusan yahay taariikhda bani’aadamka,waxaa lagu qiyaasaa dadka ku dhintay xasuuqaas illa iyo hal milyan qof ku dhawaad, dagaaladii ka djhacay Dalkaasi waxa uu ka dambeeyay kadib markii la dilay Madaxweyne Habiriyamana laakin waxaa la sheegaa in muddo dheer kadib ay keentay in Qoomiyada Hutu-ga ay aaminto in Tutsi-ga laga tirabadan yahay Dalka laga tirtiro, taasina waxay keentay in wadanka hal maalin jiho walbo in uu ka bilaabdo xasuuqa waa maalinkii uu dhintay Madaxweyne Habariyamaana.

Waxay gaareen heer ninka uu dilo xaaskiisa ama xaaskiisa ee ogolaato in seygeeda la dilo ,dariska ay dilaan dariskooda kale oo ay caruurtooda isla dheeli jireen in la laayo ,si aan kala sooc laheyn caruur ,waayeel iyo dumarba iyada oo lagu boorin jiray in qofkii Hutu ah oo qariyo qof Tutsi ah in asigana la dilo.Qoysas badan ayaa baaba’ay qaarna tiro hal qof oo kali ah ayaa ka haray,intii u qixi kartay Wadamada dariska la ahna waa ay qaxeen.

Bulsho uu dhex maray dagaal sidaas ah ayaa heshiisay manta isna cafisay oo waliba Madaxweyne ka dhigatay qof ka soo jeeda Qowmiyada laga tirade badanyahay ma rumesaneysaa?, haddaba Sidee aye ku dhacday in dhibkii dhacay in laga gudbo?

Waxaa Wadanka Rwanda oo dhan lagu suubiyay barnaamijyo lagu kulansiinaayo qofkii dhibka geestay iyo qofkii loo geestay looguna talagalay qof walbo uu dhibkii isiga ku dhacay ama reerkiisa uu ku cafiyo ,”waxa ay adag tahay inaad hilmaamto dhibka soo gaaray reerkaaga laakin aad cafin kartid qofka dhibka kuu geestay.waxaa aad loo xoojiyay isku xirnaanta ummada iyo hormarinta cadaalada yareenta musuqmaasuqa iyo xoojinta kala dambeynta”, ayuu yiri Nin ka mid ahaa Dadka waagaasi dhibku soo gaaray.

Rwanda qof kasta oo booqda waxa ugu horreeyo oo indhihiisa qabanaayo waa nadaafada laamiyada iyo Wadooyinka Magaalo iyo tuulo loo aqoonsan yahay nadaafaada in ee tahay mas’uuliyad qof walbo saran, sidaasi daraadeed waxaa jiro waqti qof walbo uu ka qeybqaadanaayo nadaafada iyo xaaqida laamiga si bilicdiisa ay u jirto ,Rwanda caasimadeyda Kigala ma jirto caasimad nadaafad ku gaarto qaarada Afrika iyo Wadamo badan oo aasiya ka tirsan ama latin Ameerika.Dadka qaar waxa ay isweydiiyaan meesha ay qashinka ku shubaan, iyadoo aad ku arkeysid Wadanka oo dhan in uu nadiif yahay magaalo illaa tuulo oo waxaad is leedahay tolow qashinka ma cunaann maadaama aadan arkeyn meel la isugu geeyay ama meel ay ku shubaan.waxyaabaha ka mamnuuca ah waxaa ka mid bacaha balaastikada ah si loo yareeyo qashinka ka imaan karo.

Waxaa laga yaabaa in uu qof ku doodo anaga Wadankeena faragalin ayaa lagu hayaa oo dowladaha dariska iyo doodo la halmaal ah, laakiin waxaan kuu sheegaa in ay iyaga naga daranaayeen oo wadamada dariska la ah sida Burundi iyo kongo ee dhib ku haayaan jabhado mucaarad ah oo Wadamadaasi joogo isla markaana duulaan ku haayo Wadanka Rwanda.

Waxaan jira labo matxaf oo ka tirsan matxafyada lagu keediyo taariikhda xasuuqa, mid waxaa lagu magacaabaa NTARAMA waxaa lagu dilay 5000 oo qof hal maalin oo u badan caruur, waxaana meeshaasi ay ahaan jirtay kaniisad (haddase loo badalay matxaf oo ay dadku ku soo ordeen si ay ugu badbaadaan markii uu xasuuqa dhacaayay 1994kii, laakiin waxaa ku soo weeraray Hutu careysan isla markaana laayay dhammaan dadkii, illaa maanta waxaa ku yaala daaqadii lagu jebiyay dadkii meesha gabaadka ka dhigtay raadadkii weerarka oo lama dayactirin si loo xasuusto,dharki ee gashnaayeen caruurta iyo kabahooda iyo xitaa qolfooftii,Madaxyadooda iyo baangadihii lagu dilay, ulo loo isticmaalay dadka in laga galiyo meel kasta oo duleesha, iyada oo illaa afka looga soo bixiyay si silic loogu dilo ayaa lagu keediyay, waxaana la qorsheynaayay in la sii ballaariyo xarunta.

Matxafka NTARAMA

Xarunta labaad waa mida ugu weyn oo loo yaqaano Kigali Genocide memorial oo loogu talagalay xasuusasho iyo wax ka barasho wixii horay u dhacay si aysan u soo laaban ;waxaa ku aasan xaruntaan 259000(labo boqol konton iyo sagaal kun oo qof ) waana xarunta ugu weyn ee qabuura wadareedyada wadanka Rwanda.matxafka gudihiisa waxaa ku jiro dhacdooyinka oo sawir ah iyo sidii Wadanka dhibka uuga baxay iyo muuqaalo fiidiyow ah oo ku sharxaayo sida ay wax u dhaceyn iyo buugaag laga qoray arimaha xasuuqa la xiriiro.

Matxafka Kigali Genocide memorial.rrrrr

Maxaan ka baran karnaa haddii aan Soomaali nahay:
Aan u kala qaadno laba qeybood ;
Bulshada waxa ee ka baran karto iyo Dowlada waxa ee ka baran karto.

1.in la is cafiyo si dhameestiran oo sax ah ,waxaan ka warqabaa in ay jireen barnaamijyo badan oo hey’adaha samafalka ay ka qabteen Wadanka oo loogu tala galay waxa loo yaqaano ‘reconciliation’ ama barnaamijyada dib u heshiisiinta bulshada laakiin waxa aan aaminsanahay in aan la waafajinin sida ay dadkeynu iskuugu calool fiyowaan lahaayeen,doorka saxda ahna waxaa qaadan karo dowlada.intaasi, waxaa sii dheer in ilaahey naga dhigay dad muslimiin ah oo ay diinteenu na fareyso in aan is cafino.

2. Dowlad wanaaga iyo hoggaan daacad ay ka tahay in dalkaan wax loo qabto:si ka duwan wadankeena shaqaalaha u shaqeeyo dowlada Rwanda waxa ay ka taya badanyihiin shaqaalaha ka shaqeeya shirkadaha gaarka loo leeyahay,marka aad u dhaba gashid wadankeyna waxaa kuu soo baxeyso in ganacsiga gaarka ah shaqaalaha u shaqeeyo ay ka firfircoon yihiin dhinac walbo kuwa dowladeyna u shaqeeya, tusaaale ahaan isla xisaabtamka u bislaashaha shaqo, iyo guulaha laga gaaraayo shaqada la qabanaayo.waxaana loo aaneyn karaa dhowr waxyaabood laakin mid kamid ah haddii aan soo qaato waxaan dhihi karaa ganacsiga gaarka loo leeyahay waxa uu ku hormaray waxa ay siiyaan shaqaalahooda ugu yaraan mushaaraadka ay ku balamaan halka dhinaca dowlada laga yaabo in ay k a fuli weyso bixinta xuquuqaadka shaqaaalahooda, taasoo keenta qof kasta oo tayo leh in uu shaqo ka raadsado shirkadaha gaarka loo leeyahay ama hey’adaha.

Musuqmaasuqa Rwanda aad ayaa loola dagaalamay Mas’uuliyiintana waa dad ay ka go’an tahay in ay la dagaalamaan musuqmaasuqa Wadankooda si ay u horumariyaan maadaama ilo badan oo dhaqaalo ah aanan laheyn Wadankooda.

waxaana ka jiro koror aad u sareeyo,yareynta faqriga oo xoowli ku socda laga soo bilaabo 2005,waxa ay yareeyeen sin’naan la’aanta. Inta u dhaxeysa 2001 illaa 2015 waa uu kordhay cabirka GDP loo yaqaano ee lagu cabiro celcelis ahaan dakhliga soo galo wadanka 8% sanidkiiba .Rwanda waxa ay ka soo kabsatay kaalmada banaanka kaga timaada oo yaraatay 2012,dhaqaalahooda waxa uu kordhay 7% sanadkii 2014 iyo 6.9% sanadkii 2015 halka uu ka soo kacay 4.7% sanadkii 2013-kii.

Horumarada ay gaartay tusaale ahaan dhinaca caafimaadka waxaa sanad walbo u dhiman jiray cudurka malaria 73.5%sanadkii (2000) maanta waxaa ee mareeysaa 15%.

Dhinaca kale Rwanda waxa ay guulo la taaban karo ka gaartay hadafyada horumarinta tobankii sano la soo dhaafay,Magaalada Kigaali waxaa uu mar dhow Ururka Qaramada Midoobay u aqoonxasady Magaalada Afrika iyo Magaalooyin kaleba ugu quruxda badan ugu cagaaran, taasoo sharaf u soo hooyday Ummadda iyo xukuumadda Dalka Rurandha.

Haddaba waxaa looga baahan yahay Ummadda Soomaaliyeed inay is cafiyaa, islamarkaana ay aayahooda ay ka tashadaan, una soo jeestaan dib u dhiska Dalkooda, Magaalada Muqdishana waxaa looga baahan yahay inay ku dayato Magaalada kigaali ee Dalka Ruwaandha oo ka soo baxday dhibaatadii qabsatay.

W/Q:C/lahi Ruush
ruwanda1ruwanda2ruwanda3ruwanda4ruwanda5ruwanda6ruwanda7

LEAVE A REPLY