Chelsea oo Lix dhibcood nadiif ah ku hoggaamineysa EPL +Sawirro

Chelsea oo Lix dhibcood nadiif ah ku hoggaamineysa EPL +Sawirro

402
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Kooxda kubadda Cagta Chelsea ayaa guul muhiim u ah ka soo gaartay naadiga Sunderland oo ay booqatay, iyadoo lix dhibcood oo nadiif ah ku qabtay hoggaanka horyaalka Premier League, iyadoo Macallin Antonio Conte iyo Kooxdiisu ay gaareen guushoodii 10-aad oo xiriir ah.

Chelsea oo marti u ahayd kulankaasi kooxda Sunderland ayaa ku soo adkaatay 1-0, waxaana Goolkaasi qura u dhaliyey 39’daqiiqo qeybtii hore Cesc Fabregas, kaddib caawin uu ka helay saaxiibkiis Willian, Blues ayaana ku adkaatay 1-0.

Kooxda tababare Antonio Conte ee Blues ayaa hoggaanka horyaalka Premier League ku qabatay lix dhibcood oo nadiif ah, waxaana ay leeyihiin 40-dhibcood, halka Liverpool oo ku jirta kaalinta labaad ay haysato 34-dhibcood.gas1gas2gas3gas4gas5

LEAVE A REPLY