Tababaraha Kooxda K/Cagta ee Chelsea oo amaanay Xiddigiisa +Sawirro

Tababaraha Kooxda K/Cagta ee Chelsea oo amaanay Xiddigiisa +Sawirro

517
0
SHARE
MANCHESTER, ENGLAND - DECEMBER 03: Chelsea Manager / Head Coach Antonio Conte looks on during the Premier League match between Manchester City and Chelsea at Etihad Stadium on December 3, 2016 in Manchester, England. (Photo by James Baylis - AMA/Getty Images)

London(SONNA)–Tababaraha kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa si degan uga hadlay guushii kooxdiisu ay galabta ka soo gaartay kooxda Manchester City.

Chelsea ayaa sii xajisatay hogaanka horyaalka kadib guushii 3-1 ee kooxdiisu ay ka soo gaartay mid kamid ah kooxaha kula loolamayay hanashada horyaalka xiliciyaareedkan.

Antonio Conte ayaa muujiyay sida uu ugu faaxsanyahay guusha uu shalay galab gaartay, wuxuuna intaa ku daray in ciyaartu ay ahayd mid u furan labada dhinac ilaa dhamaadkii.

“Waxaan rumaysanahay in kulanku uu ahaa mid aad u adag, wuxuu ahaa kulan u furan labada dhinac ilaa dhamaadkii” ayuu yiri Antonio Conte.

“Kooxdaydu waxay soo muujisay shaqsiyad cajiib ah taasina waxay muhiim u tahay inaan horay u sii socono laakiin waa inaan sii wadnaa shaqada iyo hormarka”.

MANCHESTER, ENGLAND - DECEMBER 03:  Chelsea Manager / Head Coach Antonio Conte reacts as Pep Guardiola looks on during the Premier League match between Manchester City and Chelsea at Etihad Stadium on December 3, 2016 in Manchester, England.  (Photo by James Baylis - AMA/Getty Images)
MANCHESTER, ENGLAND – DECEMBER 03: Chelsea Manager / Head Coach Antonio Conte reacts as Pep Guardiola looks on during the Premier League match between Manchester City and Chelsea at Etihad Stadium on December 3, 2016 in Manchester, England. (Photo by James Baylis – AMA/Getty Images)
conte2conte6

LEAVE A REPLY