FIFA oo u tacsiyadeysay Qoysaskii ay ka baxeen ciyaartooydii ku dhimatay shilka

FIFA oo u tacsiyadeysay Qoysaskii ay ka baxeen ciyaartooydii ku dhimatay shilka

652
0
SHARE

Zurich(SONNA)–Xiriirka Kubadda Cagta Adduunka ee FIFA ayaa tacsi tiiraanyo leh u dirtay Qoysaska Ciyaartoydii kooxda kubadda cagta Chapecoense oo ka dhisan Dalka Brasiil ee ku geeriyootay diyaraddii habeen hore ku dul bur burtay Buuraleyda Medellin ee Waddanka Colombia.

Laacibiinta kooxda Chapecoense ayaa qayb ka ahaa rakaab saarnaa diyaaraddaasi dhacday, kuwaasi oo gaarayay 81 ruux, iyadoo 75 ka mid ah ay geeriyoodeen halka 6 qofoodna ay bad baadeen,waxaana naadigaasi reer Brazil uu ka qeybgalayay ciyaarta kama dambeysta ah ee COPA SUDAMERICANA 2016-ka taasoo lagu waday in maanta la ciyaaro.

“Waa akhbaar naxdin leh, waana maalin aad iyo aad u madoow oo Kubadda Cagta ah” ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday FIFA.“Xilligan adag, waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii iyo asxaabtii dhibanayaasha iyo dhammaan taageerayaasha Chapecoense, bahda Ciyaaraha iyo Saxaafadda”ayay FIFA ku muujisay dareenkeeda ku aaddan dhacdadaasififa1fifa2.colshilshil1

LEAVE A REPLY