Kooxda Chelsea oo hoggaanka u qabatay Premier League +Sawirro

Kooxda Chelsea oo hoggaanka u qabatay Premier League +Sawirro

480
0
SHARE

Chelsea(SONNA)–Kooxda Kubadda Cagta Chelsea oo ka dhisan Dalka Ingriiska ayaa hoggaanka kala horreynta Kooxaha ku loolamaya horyaalka Premier League Dalka Ingiriiska la wareegtay, kadib markii 1 gool iyo eber uga badisay Kooxda Middlesbrough.

Goolka qura oo ay Kooxda Chelsea ku badisay waxaa qeybtii hore ee ciyaarta dhammaadkeeda u dhaliyay Xiddigga weerarka uga ciyaara Kooxdaasi ee Diego Costa, goolkaasi oo neefta u ku soo celiyay taageerayaasha iyo Tababaraha Kooxda Antonio Conte, waayo waxay Kooxda u aheyd fursan ay hoggaanka kula wareegto, maadaama ay kooxda Liverpool ay gashay bar-bar dhac, taasoo markii hore hogaanka heysay.

Kooxda Chelsea guushaasi waxay ahayd mid ay ku dhibtootay, waayo Kooxda Middlesbrough waxay ahayd mid ku dheeleysa difaac, taasoo ay suurtogal u noqon wayday in goolal badan laga dhaliyo, balse goolkaasi ayaa kaga filnaaday inay 28 dhibcood ku hoggaamiso halka kooxda kaalinta 2-aad ku jirta ee leedahay 27 dhibcood, waxaase dhibcahaasi la wadaaga kooxda Man city oo iyana leh 27 dhibcood.

Kulanka kale ee aad la isugu riiqmay waxa uu dhexmaray Kooxaha ka wada dhisan Magaalada Milano ee Dalka Talyaaniga Ac Milan iyo Inter Milan, waxayna isla dhaafi waayeen 2 iyo 2. q2q3q4q5q6

LEAVE A REPLY