Wakaaladda SONNA oo 25 sano kadib ka qeybgashay Shirweynaha Wakaaladaha Wararka Caalamka...

Wakaaladda SONNA oo 25 sano kadib ka qeybgashay Shirweynaha Wakaaladaha Wararka Caalamka +Sawirro

704
0
SHARE

Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA in kastoo qoraal lagu soo koobi Karin wax qabadkeeda tan iyo intii ay jirtay sida ay u shaqeynaysay, balse waxaa dhidibada loo taagay 5-tii bishii Janaayo sanadkii 1964-kii, waxayna aheyd muhiimadda loo aas aasay ama ay hawsheedu ahaato soo ururinta, habeynta iyo faafista Wararka gudaha iyo dibadda, islmarkaana ay ahaato isha kaliya ee Wararka Dalka laga heli karo, wayna ka soo dhalaashay hawshaasi loo idmaday.

Haddaan wax ka xuso sida ay u shaqeeysay muddadii ay jirta, waxaana ka mid ahaa qaab-dhismeedkeeda Agaasimaha, ku xigeenno, 3 Tafatire oo ku shaqo leh 3-da Meerto ama Shifti, Qoraayaal, Wariyayaal Xaruunta dhexe ka hawlgala, una xil saran soo ururinta Wararka iyo Wariyayaal u joogay Xaruumaha Gobolada Dalka oo dhan, kana soo tabinayay Wararka iyo dhacdooyinka kaleba.

Wakaaladdu muddadii ay jirtay waxay ku tilaabsatay guulo badan, waxayna aqoonsi buuxda ku lahayd Caalamka oo dhan, waxaase si gaar ah xiriir warar isdhaafsi iyo khibrado la laheyd Wakaaladaha Dunida ugu caansan oo ay ka mid yihiin AP, AFP, Reuters, Intertass, DPA, ANSA, INA, MUNA, SUNA iyo kuwo kale oo heer Caalami iyo Goboleedba ah, dhammaantoodna waxaa ka wada dhaxeeyay wada shaqeyn joogta ah.

Balse buruburkii Dalka ka dhacay ee sanadkii 1991-kii ayaa Wakaaladda SONNA saameeyay, waxaana wiiqmay meeqaabkii iyo hawshii ay Qaranka u idmaneyd, waxaana soo baxay Idaacaddo iyo Telefishinno, gaar loo leeyahay oo wada jaantaa rogan ah oo wararka cid walba sida ay rabto u sheegato, nasiib wanaag 8-dii bishii Maarso ee sanadkan 2016-ka ayaa si rasmi ah loogu furay Dhisme cusub iyo inay hawsha ay Qaranka Soomaaliyeed u haysay dib u bilaabato muddo 25-sano kadib, waxaana xarigga ka jaray Raiisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdurashiid Cali Sharmaarke.sonna-cusubsonnacusub1

Ra’iisul-wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa ku bogaadiyay Mas’uuliyiiinta Wasaaradda Warfaafinta in Wakaaladda Wararka Qaranka soomaaliyeed SONNA dib ugu soo laabato kaalintii baahinta Wararka dalka iyo dibadda ay kaga jirtay, si dadka Soomaaliyeed ay u helaan warar ay ku kalsoonaan karaan,maadaama ay Wakaaladdu u taagantahay baahinta iyo uruurrinta Wararka wakaaladaha kale ee Caalamka.

Maalintaasi iyo wixii ka dambeeyay Wakaaladda SONNA waxay u jilba xeydatay sidii ay uga soo dhalaali laheyd hawshaasi Qaranku u idmaday ilaa iyo haddana waxay soo hoyday Ammaan iyo bogaadinno uga imaanaya gudaha iyo dibadda Dalka, taasoo ku timid Agaasin hawshu ka daacad tahay iyo shaqaale u tababaran hawshaasi, ayna ka mid yihiin dad aqoon durugsan u leh hawsha Wakaaladda, ilaah mahaddii muddaasi yar waxay Wakaalddu heshiisyo la soo kala saxiixatay Wakaaladaha Wararka Shiinaha Xinhua iyo Anadol ee Dawladda Turkiga.

Horumarka ay ku talaabsatay Wakaaladdu muddadaasi yar waxaa kaloo ka mid ah in maalintii Arbacada ahayd ee bisha Nofember 16-keedii ee sanadkan ay ka qeybgasho shirweynihii 5-aad ee Wakaaladaha Caalaamka oo lagu qabtay Magaalada Baku ee Dalka Azerbajan, waxaana Wakaaladda SONNA uga qeybgalay Agaasimaha Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA Cabdiraxmaan Yuusuf Alcadaala iyo Madaxa Qeybta Carabiga ee Wakaaladda Cumar Faarax, waxaana Shirweynahaasi furay Madaxweynaha Dalka Azerbajan Ilham Iliyev.

Agaasimaha Wakaaladda SONNA Cabdraxmaan Yuusuf Alcadaala intii uu socday Shirweynahaasi waxa si kala goono gooni ah kulamo la yeeshay Agaasimayaasha Wakaaladaha Caalamka qaarkood, isagoo kala hadlay qaabka wax qada qabsi ee ka dhaxeyn kara Wakaaladahaasi, waxaana lagu tilmaami karaa in markale ay SONNA qaaday waddadii lagu yiqiin beri samaadkii, iyadoo dhan kalena ay Wakaaladda SONNA guul u ahaydka qeybgalka Shirkaasi, waayo waxay aqoonsi buuxda mar kale ka heshay Wakaaladda Wararka Caalamka, ayna si buuxda uga mid noqotay Wakaaladaha la aqoonsan yahay.

Qallinka: C/lahi Xuseen Calasow Ruushbaku-640x360baku1

LEAVE A REPLY