SONNA oo Maanta ka qeybgalaysa Shirweynaha Wakaaladaha Dunida

SONNA oo Maanta ka qeybgalaysa Shirweynaha Wakaaladaha Dunida

1107
0
SHARE

Baku((SONNA):–Shirweynahii Shanaad ee wakaaladaha Wararka ee Dunida ayaa Maanta oo Arbaca ah  ka furmayo Xarunta ugu caansan Caasimadda Azerbaijan ee Baku oo lagu magacaabo Hadary Aliyev Center  ,Soomaaliya waxaa ugu qeybgalayo Shirkaas Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qararka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane C/raxmaan sheikh yuusuf Alcadaala iyo Madaxa Qeybta Carabiga ee Wakaaladda Cumar Faarax.

Agaasime Alcadaala oo lahadlay Warbaahinta Qararka  ayaa sheegay in Wakaaladda Wararka Qararka Soomaaliyeed ee SONNA ay markii ugu horreysay taariikhda Xubin buuxda ka noqoneysa Sanadkaan Midowga Wakaaladaha Wararka Dunida, iyadoo la filayo in si rasmi ah shirkaasi looga shaaciyo xubinnimada SONNA ee Wakaaladaha Wararka Dunida.

Shirweynaha Wakaaladaha Wararka Dunida ee Azerbaijan ayaa sida qorshaha ah ajandayaasha looga hadlayo waxaa qeyb ka ah horumarinta Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA.

Ugu danbeyn Agaasimaha Wakaaladda Wararka Qararka Soomaaliyeed ee SONNA Mudane C/raxmaan Sheekh Yuusuf Alcadaala ayaa sheegay in 18-ka  bishan bandhig sawireed lagu Qaban doono Caasimadda Azerbaijan ee Baku ay Wakaalada SONNA ku soo bandhigeyso Sawirro ka Turjumayo Xaalada Dalka iyo Dhaqanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY