Madaxweynaha Dalka oo kulan dhiira galin ah u sameeyey ciyaaryahan Farxaan Hadaafow+Sawiro

Madaxweynaha Dalka oo kulan dhiira galin ah u sameeyey ciyaaryahan Farxaan Hadaafow+Sawiro

1136
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiiragelin ah u sameeyey Farxaan Hadaafoow oo ah ciyaaryahankii Soomaaliya  uga qeyb-galay tartanka Olombikada adduunka ee ciyaaraha naafada.

Farxaan Hadaafoow Maxamuud waa ciyaaryahan Soomaali ah oo sannadkaan uga qeyb-galay dalka Brazil  ciyaaraha naafada ee Olombikada adduunka isagoo matalaya dalka Soomaaliya, madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh  Maxamuud ayaa ku casuumay madaxtooyada Soomaaliya i suu u dhiiragaliyo, waxa uu la qaatay madaxweynaha kulan farxad iyo niyad sammi u lahaa Farxaan oo uu wehliyey Siid Cali Kuukaay oo ah xog-hayaha guddiga ciyaaraha naafada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Farxaan u sheegay in uu  muujiyey dedaal, isla markaana uu ku ammaanayo  magaca uu Soomaaliya u soo hoyay, maadaama tartankii uu Brazil uga qeyb-galay uu ka galay kaalinta shannaad oo aysan marnaba keenin ciyaartooyadii kale ee Soomaaliya uga qeyb-gashay ciyaaraha olombikada adduunka.
Farxaan Hadaadoow oo ay ka muuqatay farxad weyn markii uu la kulmay madaxweynaha,  waxa ii si kooban iigu sheegay  waxa ay ka hadleen isaga iyo madaxweynihiisa.
Siid Cali Kuukay oo ah xog-hayaha guddiga ciyaaraha naafada Soomaaliyeed, ayaa dhankiisa ii sheegay in Farxaan Hadaafoow uu la kulmay dhiiragelin weyn, madaxweynuhuna uu ballan-qaadey in uu gacan siin doonno ciyaaraha Naafada Soomaaliyeed gaar ahaan.
Sannadka soo socda ayuu lada London ee dalka Ingariiska uga qeyb-geli doona  ciyaaraha naafada adduunka.
Farxaan Hadafow ayaa ku tartamayay qeybta baaskiillada ee 100-ka mitir, isagoo ku orday 18.49 sec halka orodyahanka kaalinta 1aad galay oo ka soo jeeda Dalka Maraykanka uu ku orday 17.20 sec.
ib0a9399 ib0a9400 ib0a9405 ib0a9411 ib0a9412 ib0a9413 ib0a9415 ib0a9417 ib0a9422

LEAVE A REPLY