Dowladda Jabuuti oo Deeq Lacageed Guddoonsiisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya

Dowladda Jabuuti oo Deeq Lacageed Guddoonsiisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya

525
0
SHARE

Muqdisho- (SONNA)-Deeqdan lacageed oo ka timid Madaxweynaha  Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, oo  gaareysaa 10,000 oo dollarka Maraykanka,     wuxuu Madaxwanuhu ugu talagalay in la gaarsiyo dadka ku dhaqan deeganno  ka tirsan Maamulka  Jubbaland ee Soomaaliya oo ay abaari ka jirto.

Safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Mudane Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay  in  deeqdan ka timid Madaxweynaha Jabuuti tahay mid loogu talagalay  abaaraha saaameyay dadka iyo duunyada ku dhaqan qeybo ka mid ah qaybo ka mid ah maamul goboleedka Jubba-land ee Soomaaliya.

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda arrimaha gudaha iyo Federaalka ah ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Xiddig ayaa sheegay inay kaalmadaan wax ka tari doonto  abaaraha ka jira qaybo ka mid ah Soomaaliya, isagoo sidoo kale uga mahadceliyay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaiil Cumar Geelle iyo shacabka Jabuuti ee aan walaalaha nahay sida ay mar walba u garab taagan yihiin Ummada Soomaaliyed.

(SONNA)

LEAVE A REPLY