Wasiirka Waxbarashada oo hambalyo u diray Macalimiinta Soomaaliyeed

Wasiirka Waxbarashada oo hambalyo u diray Macalimiinta Soomaaliyeed

335
0
SHARE

Muqdisho-(SONNA)-Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Mudane Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa wuxuu ka hadlay Maalinta Macalinka Aduunka oo maanta oo kale Sanad kasta loo dabaal dago.

Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa wuxuu hanbalyo u diray dhamaan macalimiinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, Xaasaskooda iyo Caruurtooda, wuxuuna u rajeeyay Guul.

“Waxaan Hambalyo u dirayaa dhamaan macalimiinta Soomaaliyeed waxaana u rajaynayaa in Barwaaqo iyo Horumar sanadkaan kiisa kale Alle uu ku gaarsiiyo.”Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya.

Ugu danbayntii Dr. Cabdulqaadir ayaa sheegay macalimiinta Soomaaliyeed inay yihiin Geesiyaal u taagan sidii dadka Soomaaliyeed ay kaga saari lahaayeen Jahliga oo ay u noqon alahaayeen dad tacliin leh.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay dhinaca waxbarashada, waxaana haatan shaqaynaysa Jamacadda Umadda Soomaaliyeed oo ay wax ka bartaan kumaam Arday Soomaaliyeed ah.

LEAVE A REPLY