Ergada Maamulka Hirshabeelle oo Ansixisay Dastuurka Maamulkaas

Ergada Maamulka Hirshabeelle oo Ansixisay Dastuurka Maamulkaas

560
0
SHARE

Jowhar (SONNA) Ergada Maamul Usameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa maanta ansixisay Dastuurka Cusub ee uu yeelanaayo dowlada Goboleedka Hirshabelle ee dhismihiisu wali ka socdo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ergada kulanka soo xaadirtay ayaa la sheegay in ay ahaayeen 202 xubnood, waxaana cod gacan taag ah dastuurka ku ansixiyay 186 xubnood, waxaa ka maamustay 10 xubnood halka inta hartay ay diiday.

Goobta dastuurka lagu meel mariyay ayaa waxaa ka hadlay mas’uuliyiin ka socoto wasaaradda arimaha gudaha waxa ayna sheegeen in dhawaan la soo dhameystiri doono dhismaha maamulka Hirshabeelle ee ay ku midoobeen gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

LEAVE A REPLY