Ciidanka dowladda iyo AMISOM oo Al-shabaab ka saaray degmada Ceelwaaq

Ciidanka dowladda iyo AMISOM oo Al-shabaab ka saaray degmada Ceelwaaq

520
0
SHARE

Ceelwaaq (SONNA)-Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ku guuleystay in Maleeshiyada Al-shabaab ay ka saaraan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, oo shalay maleeshiyadaasi ay soo weerareen.

Ciidanka ayaa gudaha u galay degmada, waxeyna ka saareen maleeshiyaadka Al-shabaab oo shalay weeraray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Wararka SONNA ay ka heleyso dadka degmada iyo saraakiil katirsan ciidanka dowladda, ayaa sheegaya in ciidamo katirsan AMISOM gaar ahaana kuwa Kenya, iyo ciidanka dowladda Soomaaliya ay u diideen maleeshiyada Shabaab in ay kusii nagaadaan magaalada, oo ay dhibaateeyaan shacabka ku nool degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Xaaladda magaalada ayaa iminka ah mid dagan, waxaana dib u bilowday isku socodka dadka, iyo guud ahaan ganacsiga magaalada, iyadoo amnigana ay si wadajir ah u sugayaan AMISOM iyo ciidanka dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY