Jaamacadda SIU oo ay ka qalin-jebisay arday badan oo ay Dhakhaatiir ku...

Jaamacadda SIU oo ay ka qalin-jebisay arday badan oo ay Dhakhaatiir ku jiraan

473
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)-Waxaa Jaamacadda Caalamiga ee Soomaaliya ‘SIU’ shalay oo Sabti ah ka qalan jebiyey arday dhan 533 arday, kuwaasi oo bartay lix kuliyadood oo ay Jaamacadasi ka kooban tahay, waxaana ku jira dhakhatiir gudaha iyo dibbadda Jaamacadda waxbarashadooda ku soo qaatay.

Waxaa ka qayb galay mas’uuliyiinta dawladda Soomaaliya oo wasiiro iyo Xubno ka tirsan Barlamanka leh iyo wakiilada Jaamacada Shan  ah (5) oo ay jaamacada SIU xiriir dhaw oo dhanka waxbarashada la leh kuna yaala dalalka Kenya iyo Uganda, waxaa ka socday 11- Xubnood oo uu jira wasiir.

Ardada ka qalin jebinaysa waxaa ku jira xubno hadda wasiiro ka ah dawlad-gobaleedyada, Maamulada, iyo diplomasiyiin iyo hawl-wadeena ku dhex muuqdo adeegyada bulshada oo dhan.

Gudoomiyaha gobalka Shabelaha Dhexe, Cali Cabdullahi Xuseen ayaa ku hadlay magaca ardada oo dhan ee ka qalin-jebinaysay Jaamacadda, waxa uuna ka sheekayey daruufaha ay ardada wax ku soo barteen.

“Waxa aan kamid ahaa ardada fasalka soo xaadiri jirtay ee Jaamacada SIU ka hor inta aan la ii magacabin gudoomiyaha maamulka gobalka Shebelaha Dhexe, waxan is iri amaadan isku wadi Karin mas’uuliyada iyo waxbarashada balse maamulka Jaamacadda ayaa igu dhiiri geliyey in aan wakhtigayga qaybsan karo, waxbarashadana wadi karo, aad bay farxad iigu tahay maanta”.

Guudlaawe waxa uu sidoo kale sheegay in ardada ay daruufo adag wax ku soo barteen, oo ay adkayd in Jaamacada gaaraan wakhtiga waxbarashada.

Wasiirka Ganacsiga dawlada Soomaaliya, Mudane C/rashiid Maxamed Axmed ayaa bogaadiyey ardada qalin jebinaysa, waxa uu uga mahad naqay maamulka Jaamacada dadaalkooda ku aadan in ay soo saaraan arday tayo leh oo ah hogaanka maanta iyo kan mustaqbalkaba.

“Jaamacadda mudada ay jirto iyo masaafaha ay soo jirtay wax isu dhaw ma ahan, waa wax lagu farxo, mana jirto intaan marti ah oo Ajnabi ah madal la’isugu keenay, waxaana ku mahadsan maamulka Jaamacadda SIU oo cilaaqaadkaas sameeyey”, Sidaa waxaa yiri wasiirka ganacsiga Soomaaliya.

Gudoomiyaha Jaamacada SIU, Dr. C/raxmaan Jaamac Ducaaale ayaa sheegay in Jaamacada ay ka go’an tahay sare u qaadida tayeynta tacliinta sare ee dalka, wuxuuna hambalyeeyey dufcada 1-aad ee Jaamacadda ka qalin jebisay.

Gudoomiyaha golaha sare Jaamacada SIU, Prof. Yaxye Cali Ibrahim ayaa khudbad ka jeediyey xaflada, waxana uga dambeyn sambalo Shahaado ah la gudoonsiiyey qaar kamida ardada qalin-jebinaysay, waxaa sidoo kale abaal marino qaali ah la gudoonsiiyey martida ka kala socotay Jaamacadaha ka ah:- Makareera University, University of Nairobi, Kenyatta University, Mbarara University iyo Gulu University.

DSC00597 DSC00661 DSC00663 DSC00668 DSC00671 DSC00760 DSC00764 DSC00766 DSC00782 DSC00792 DSC00813 DSC00814 DSC00816 DSC00824 DSC00828 DSC00830 DSC00833 DSC00865 DSC00867 DSC00873

W/D: Maxamed Cismaan Cabdi “Black Cobra”   

LEAVE A REPLY