Geedkii ugu Cimri dheeraa Yurub oo la helay

Geedkii ugu Cimri dheeraa Yurub oo la helay

443
0
SHARE

Giriig-(SONNA)- Culimada ku takhasustay Cilmiga Jiyoolijiyada ee ka socotay wadamada la isku yiraahdo iskandanevia, ayaa Waqooyiga dalka Giriiga ka soo saaray Geed Cimrigiisu lagu qiyaasay 1075 Sano,iyagoo isla qiray inuu yahay Geedka Qaaradda yurub ugu  da’da weyn.

Aqoonyahaanka lagu magacaabo Boul Karsik, oo ka mid ahaa Culimadii barista ku sameeyay Cimriga Geedkaasi, ayaa sheegay in 250 Sano ka hor aasaaska Jaamacadda Oksford ee dalka Ingiriiska uu Geedkaasi jiray.

Wuxuuna intaa raaciyay in soo saarista Geedkan ay tahay arrin cajaaib ah isla markaana  Culimada Bay’ada ka saacidi doonto ogaansha waxyaabaha kaainaadka ah ee  dunida korkeeda ka jira.

Culimada u suurta gashay inay ogaadaan Cimriga Geedka 1075 sano jira ah, ayaa waxaa baaristooda ku wehliyay koox kale oo culuunta bay’adda ku xeel dheer kana socotay Jaamacadda stocholm,Arzona iyo Mainesh,iyadoo  degaanka laga arkay Geedkan uu yahay dhul buuraley ah  oo ku yaal waqooyiga dalka Giriiga.

-Mukhtaar-

LEAVE A REPLY