Maleeshiyaad Shabaab ah oo lagu dilay Gobalka Baay

Maleeshiyaad Shabaab ah oo lagu dilay Gobalka Baay

466
0
SHARE

Wasiirka Hub ka dhigista iyo dhaqancelinta Maleeshiyaadka ee maamulka Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in howlgalo laga sameeyay gobalka Baay lagu dilay dagaalyahano ka tirsan Maleeshiyada Al-Shabaab.

Wuxuu sheegay Howlgaladii ugu danbeeyay ee laga sameeyay deegaano hoostaga degmada Qansaxdheere in lagu dilay Sideed Dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Xasan Xuseen ayaa sidoo kale sheegay in dagaanyahanada la dilay uu ka mid yahay Sargaal sare oo lagu magacaabi jiray Xasan Ganey kaas oo uu sheegay inuu dhibaato badan ku haayay dad shacabka ah.

Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Maamulka Koofur galbeed ayaa mudooyinkii ugu danbeeyay sii laba jibaaran howlgalada ka dhanka ah Argagixisada Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY