Ciidamada Amaanka oo la wareegay deegaano hor leh

Ciidamada Amaanka oo la wareegay deegaano hor leh

759
0
SHARE

Baay(SONNA)-Ciidanka Maamulka Koonfur Galbeed oo garab ka helaya kuwa xukuumadda Soomaaliya ayaa Al-shabaab kala wareegay deegaanka Buulo-xaawo oo ku taala inta u dhaxeysa Bardaale iyo Degmada Qansax-dheere ee Gobolka Baay.

Taliye ku xigeenka ciidanka Booliska gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Isaaq Cari Case oo wareysi siiyay warbaahinta ayaa sheegay dagaalka ka dhacay Buulo-xaawo in ciidanka ay ugu suura gashay in ay la wareegaan deegaankaasi iyo Tuulooyin hoostaga.

Ciidamada oo aanan la kulmin dagaal sidaa u weyn ayuu sheegay Taliye ku xigeenka inay qabsadeen deegaankaasi, kadib markii Shabaabkii halkaasi joogay ay isaga carareen.

“saakay Ayaan la wareegnay deegaanka buulo xaawo wax iska cabin ah oo saas u weyn ma aanan la kulmin waxay awoodi waayeen,in ay u bar bar dhigaan ciidanka koofur galbeed iyo Ciidama xooga dalka soomaaliya oo ah ciidan diyaarsan,aan ku til maami karo in ay yihiin sooma jeestayaal”sdiaas waxaa yiri taliye Maxamed Isaaq.

Taliyaha ayaa ku hanjabay inuu sii socon doono howlgalada ka dhanka ah Ururka Al Shabaab inta deeganada Koonfur Galbeed laga xureynaayo maleeshiyaadka  firxadka ah ee Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY