Wasaaradda Qorsheynta oo sheegtay in ay hubinayso Mashaariicda dalka laga fulinaayo

Wasaaradda Qorsheynta oo sheegtay in ay hubinayso Mashaariicda dalka laga fulinaayo

1883
0
SHARE

Muqdisho(SONNA)-Wasaaradda qorshaynta dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay dabagal ku sameysay Mashaariicda hay’adaha caalamiga ah ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya.

Wasiirka wasaaradda qorshaynta Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cali Ceynte oo warfidiyeenada la hadlay ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay la timid waxqabad ku aadan in dabagal lagu sameeyo hay’adaha mashaariicda ka fulinaaya Soomaaliya .

Ceynte ayaa intaas ku daray in Mashaariic aysan ogeyn dowladda Soomaaliya inaan laga fulin karin gobolada dalka iyo sidoo kale caasimada Muqdisho.

Waxa uu sheegay in xukuumada Soomaaliya ay diyaar u tahay in ay hubiso in mashaariicda hay’adaha caalamiga ah in  loo fuliyay sidii loogu tala galay.

LEAVE A REPLY